Afartan sanno ka dib iyo hawlgalka casriyeynta Hargeysa Stadium

Hargeysa (Gabiley.net) Waxa labadii sannadood ee u danbeeyey, ku soo badanayey Caasimada Somaliland ee Hargeysa, garoomo ciyaareed oo hab casriya, loo qalabeeyey, kuwaas oo ay leeyihiin, ganacsato waddani ah, arrintaas oo ay soo dhaweeyeen, guud ahaan, Dhalinyarada Somaaliland, oo baahi wayn u qabey, goob ay ku ciyaaraan, wakhtiyada ay firaaqada leeyihiin.

Sannadihii u danbeeyey, Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa ku hawlanayd, sidii loo horumarin lahaa, ciyaaraha iyo garoomada gobolada dalka, waxaanay dhawaan bilawday, hawlo isugu jira, dib u dhis iyo casriyeyn, lagu hagaajinayo Garoonka Ciyaaraha ee Hawl-wadaag Stadium.

garoon3

“Mashruucan lagu casriyeynayo, garoonka Hargaysa Stadium, waxa u soo socodey muddo, hawshiisana, waxan u qaybiney seddex waji, hawsha 1aad, waxay ahayd, dirista iyo keenista rooga dooga ah, wajigaasi, sidii loogu talagalay ayuu u soo dhamaaday, hadda waxa halkii u danbaysey maraya, wajigii 2aad, kaas oo ciid lagu farashay, si fiicana way u socotaa hawshu, wajiga 3aad waa, dhigista rooga dooga ah iyo dhamaystirka qaybaha kala duwan ee garoonka.  garoon1

Guud ahaan, 3 qaybood, buu ka koobanyahay garoonku, kuwaas oo kala ah:- Qaybta bootinta iyo Qalaama-rogadka (Ciyaaraha fudud), Qaybta Orodka iyo Qaybta kubada cagta. Waxa imika qorshaha noogu jirta in aan ku dhamaystirno rooga, 2da qaybood ee kala ah, Kubada Cagta iyo Qaybta Ciyaaraha fudud, qaybta kale ee orodka, waxan dhigaynaa ciid la simay, taas oo si fiican la iskugu simidoono, waxa iyana qorshaha, noogu jirta, qaybta orodka in aan doog dhigno, dhaqaalaha ayaa saamixiwaayey in aan wada samayno dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay garoonku, sababta oo ah, rooga la dhigo qaybta orodku, way ka qaalisan tahay, qaybaha kale, qaybaha aan lagu ciyaarayn, waxan ugu talagalney, in aan dhigno marmarka dalka, waxana kharashka ku baxaya bixin-doonta, Dawlada Hoose, waxa kale oo qorshaha noogu jirta, in garoonka la galiyo, laydh, biyo iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, ee uu u baahanyahay oo dhan, si habeen iyo maalin ba u sheqeeyo. Garoonku waxa uu yeelan doonaa, shaqaale ka shaqeeya oo habeen iyo maalinba heegan noqda, waxa shaqaalaha, loo dhisi doono 2 qol oo ay u hoydaan, si ay amaanka garoonka u ilaaliyaan.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mud. Maxamed Xuseen Dhabeeye.

 

Gabiley News Network