DHAGAYSO:Xulafada Sucuugiga oo Somali Badan Ku Dilay Duqaynta Dhinaca Cirka ee Ay Ku Hayaan Dalka Yaman.

Ugu yaraan soddon qof oo Somali ah ayaa ku dhintay weerar toddobaadkan ka dhacay dalka Yemen gaar ahaan woqooyiga Cadan halkaas oo lagu bartilmaameedsaday laba bas oo ay saarnaayeen dad Somali ah.

Faahfaahin ayaa kasoo baxay duqayntaas oo dhacday maalintii Axaddii halkaas oo diyaarado dagaal ay la beegsadeen gantaal, dad Somali u badan oo qaxooti ah oo saarnaa baabuur basas ah, kuna sii jeeday magaalada Cadan.

 

 

logadagnn