Khadar Cali Gaas Maareeyaha TV-ga Qaranka Somaliland ayaa ku hungoobay inuu Xidho Wariye Abiib Iimaan Xasan

Hargeysa (Gabiley.net) Khilaaf culus  ayaa la sheegayaa inuu mar kale soo kala dhex galay Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Maareeyaha TV-ga Qaranka Khadar Cali Gaas.

Murankan labada masuul ee isku wasaaradda ah ayaa ka dhashay ka dib markii Maareeyaha TV-ga Qaranku Khadar Cali Gaas xilkii Madaxa Wararka ee TV-ga ka qaaday Abiib Iimaan.

Xil ka qaadista Abiib waxa ka biyo diiday Wasiirka Warfaafinta kuna tilmaamay mid baal marsan sharciga, waxaanu ku wargeliyey inuu shaqadiisa sii wato Abiib, hase yeeshee waxa amarkaa Wasiirka ka biyo diiday maareeyaha oo ugu daray Abiib Iimaan inuu Waran u soo jaro iskuna dayo inuu xidho.

Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa uga cadhooday talaabada Khadar Cali Gaas, ka dibna shaqaalihii oo dhan xarunta Wasaaradda dibada looga saaray sida ay sheegayeen qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaraddu, isla markaana ay ciidamo tiro badani la wareegeen xaruntii wasaaradda Warfafinta.

Wariye Abiib Iimaan Xasan waa ruug cadaa ka tirsan saxafiyiinta Somaliland, kana soo shaqaynayay tani markii ay Somaliland xornimadeeda la soo noqotay Xarunta Wasaaradda Warfafinta, balse tan iyo markii Khadar Cali Gaas loo igmaday maamulka TV-ga Qaranka waa markii labaad ee uu isku dayo inuu shaqada ka eryo, xadhigna ugu dar is yidhaahdo Wariye Abiib. Khadar Cali Gaas oo aan waayo aragnimo saxaafadeed ahayn , ahaana Darawal TAXI magaalada LONDON ayaa dawladdan Somaliland xilka u dhiibtay, isla markii loo dhiibaynay waxay mar walba isku dhacaan wariyayaasha uu ugu hanjabo xadhiga iyo waan ku eryayaa.

Bal wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Gabiley News Network.