Saraakiisha Amaanka Madaarka Cigaal Oo Tababar Loo Soo Gabagabeeyey + SAWIRO.

Hargeysa (GNN) Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaacil ayaa maanta tababar u soo gabagabeey in ku dhaw labaatan ka mida Saraakiisha Amaanka ee Madaarkaasi.

Tababarkaasi oo ku saabsanaa Falsafada amaanka ayaa waxa Bixinayey Gudoomiyaha Guddia Difaaca iyo nabad sugida ee Golaha Wakiiladda Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo sidoo kale ah khabiir dhinaca amaanka ah, ayaa socday mudo sadex maalmood ah.

Munaasibad kooban oo loo qabtay Xidhitaanka tababarkaasi ayaa waxa ka hadlay Madaxa qaybta Amaanka Madaaradda Somaliland Cadnaan Isaaq Cali oo ka mid ahaa saraakiishii tababrkaasi ka qayb galay isaga oo ka hadlay muhiimada uu u lahaa tababarkaasi waxaanu yidhi ” sadex casho ayuu tababarku inoo socday, tababarku waxaa uu ku saabsanaa falsafada Amaanka, runtii waxaa uu ahaa aqoon koradhsi aanu ka faa’iidnay waxanu baranay waxa uu yahay amaanku oo runtii dunidu maanta waxa lays isku dhaafay xeeladaha cusub ee amaanka, duniduna maanta cadaw kali ah ayey yeelatay oo ah amaan darradda, xildhibaanku waxa uu nooga faa’iideeyay aqoontiisa iyo waayo aragnimada afaratanka sano ah ee uu leeyahay hawsha amaanka, Wasaraada Duulistu wakhtiyadii danbe waxa ay ku dadaalaysay in la dhiso aqoonta shaqaalaha iyo saraakiishaba.”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Macalinkii tababarka bixinayey Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo sidoo kalena ah Gudoomiyaha Guddida Difaaca Iyo Nabad Sugida ee Golaha Wakiilada waxaanu yidhi ” Farxad weyan ayey ii tahay hawshii aan u imi halkan qaabiladii, oo ahayad tababar ka hadlaya amaanka iyo sugida nabad galyada Gegidan Diyaaradaha ee halkan aad ku qaadateen, waxan uga mahad celinayaa saraakiisha madaarka oo uu ugu horeeyo Maamulaha Madaarku, soo dhaweeyantii qaabilaadii iyo diyaar garowgii hawshaasi ay ka galeen, wax kale oo aan u mahad celinayaa saraakiisha halkan hortayda fadhida ee mudadii sadexda casho ahayd ku qaatay aqoon koradhsigan farsamada amaanka oo qaybo badan galeysa oo aan meel qudha ku koobnayn, sidii macnaha lahayd ee ixtiraamka lahayd ee aad uga faa’iidaysateen una dhagaysateen, aniga oo u arkaayey markaan dareenkayga ku cabiray saraakiil u diyaar ah in ay aqoon korodhsadaan.”

Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Maxamed yuusuf Ismaaciil ayaa gabogabadii u soo xidhay tababarkaas oo waxaani yidhi ” waxa aynu maanta halkan isugu nimid in aynu la wadaagno ama aynu qayb ka qaadano khibrada iyo aqoonta iyo waayo aragnimada uu Xildhibaanku u leeyahay shaqada amaanka, nasiib ayeynu u yeelanay maanta in aynu jaaniskan kaga faa’iidaysano isaga oo hawshan si mutadawacnimo ah ku fulinaya, oo uu gartay in uu dadkiisa iyo dalkiisa iyo dhalinyartii shaqaalaha madaarka Caasimada in uu u faa’iideeyo, Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa, shaqaalaha waxaan u rajnayaa inay ku hawl gali doonaan aqoontaasi ay korodhsadeen.”

By. Xafiiska xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda ee W/Duulista Iyo Hawada JSL

logadagnn