War degdeg ah: Dooxa Dacarbudhuq oo caawa qaaday Bus arday siday

Dacarbudhuq (Gabiley.net) Dooxa Dacarbudhuq ayaa caawa fiidkii qaaday bus ay la socdeen arday gaadhaysa 35 arday

Shilkan dhacay ayaa badi Lagu badbaadiyey ardaydii in kasta oo la xaqiijiey geerida gabadh ka mid ahayd ardayda.

Buskan oo ay leedahay shirkada Salama wuxuuu ka yimi magaaladda Berbera kuna socday Hargeysa, ilaa hadda shirkada Salama wax war ah lagama hayo.

Wixii soo kordha kala soco Gabiley.net