18 May Iyo u hiilinta inta Aamusan Eng. Ilyas Khadar

18ka May waa maalin ku astaysan lasoo noqoshada qarannimada Somaliland, waana maalin qiimo weyn ugu fadhida shacab weynaha Somaliland, waa maalintii ay ka midho dhaliyeen halgankii dheeraa ee lagaga xoroobay maamulkii kaligii taliyaha ahaa ee Siyaad Barre, waa maalin lagu xasuusto halyeyadii naftooda hurayaasha ahaa, waa maalin naf iyo maalba ay hureen dhammaan shacab weynaha reer Somaliland, waa maalin ay hooyooyin badan asay u qaadeen hiigsigeeda, waa maalin hooyooyin badan ay ku goblameen haybinteeda, waa maalin aynu ku weynay asxaab iyo qaraabo inagu qaaliyah; waa maalin aan odhan karo si uun u taabanaysaa qofkasta oo reer Somaliland ah.


Haddaba hadaynu sidaa u ogsoonahay qiimaha ay leedahay 18ka May, waxaa iswaydiin leh sideebaynu u qaabilnaa maalintaas iyada ah. Haddaad dib u milicsato sannadihii ugu danbeeyey, waxaynu dowlad iyo shicibba u qorshaynaa boqolaal kun oo dollar gudo iyo dibadba, si aynu ugu xusno maalintaas qiimaha weyn innagu leh. Dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka waxaa lagu wergaliyaa inay goobkasta iyo guri kasta ku muujiyaan calanka oo ah astaanta qarannimada Somaliland, waayeel, dhallinyaro iyo carruurba waxaynu soo xidhannaa astaan muujinaysa calanka Somaliland ha ahaato (garan, koofiyad, dharka dumarka iyo waxyaabo kale oo la halmaala sida dhallinyarada qaar oo jidhkooda ku xardha calanka). Idaacadaha, TVyada iyo dhammaan waddooyinka halbowlaha u ah magaalooyinka iyo degmooyinka gudahooda waxaa dhammaantood ka baxaya heeso dhawaqoodu aad iyo aad u sarreeyo. Dhamaan carruurteenii iyo haweenkeenniiba waxay yaacaan suuqyada.


Guntii iyo gebogebadii waxaa nasiib darro ah maalintan oo aynu soo xusnay qiimeheeda iyo taariikhda ay xanbaarsan tahayba inaynu dhamaanteen ku xusno waxyaabo badan oo macnodarro ah kuna bixinnaa boqolaal kun oo dollar, lana nimaadno waxyaabo badan oo aan ilaahay raaligalinahayn iyo macsiyaad fara badan oo sharaf dhac ku ah diinteenna suuban.


Maxaa inoo diiday inaan sannad walba halkudhig uga dhigno shay waxtar innoo leh dal iyo dibadba.Allah khayrka ha ina waafajiyo.

Eng. Ilyas Khadar Cabdi
ilyaas115@hotmail.com
Gollis University.