Ciidamada Qaranka Oo Hawl-gal Ka sameeyay Deegaanka Tukaraq iyo Sababta Keentay

Tukaraq (GNN)-Cutubyo katirsan Ciidamada qaranka Somaliland ayaa Shalay fiidkii  galay Gudaha Tuulada Tukarraq ee Gobolka Sool, kuwaas oo waxoogaa kadib iskaga baxay halkaas, kuna noqday fadhiisimadoodii ay kasoo baxeen.

Ciidankan, ayaa muddo kooban ku sugnaa Kastamka halkaas ay ku lahaan jireen Ciidamo hoostaga Maamulka Puntland, kaas oo ay maleeshiyo khaatumo-seeg ahi gacanta ku hayeen, waxanay kalkaas ka eryeen maleeshiyadii ku sugnayd.

Ciidamada qaranka, ayaa ujeedada ay halkaas u tageen lagu sheegay si ay maleeshiyadaas meesha uga saaraan, kadib markii dadka deegaanku ay gudbiyeen cabasho maleeshiyadaas ka dhan ah.

Ciidamada qaranka, ayaa iyagoo badqaba kusoo noqday goobihii ay fadhiyeen oo aan ka fogayn deegaanka Tukarraq, waxana la sheegayaa inay jawigu haatan yahay mid caadi ah.

 

logadagnn