Daawo: Xukuumadda JSL oo dib u fasaxday qoxootiga Yeman ka imanaya iyo sababta

Hargeysa (Gabiley.net) Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland waxay ogolaatay in Qaxootiga reer Soomaaliya ee Dalka Yaman Ka soo Qaxayaa ay Somaliland iman karaan, ka dib markii Muddo kooban la hakiyay arrimo dhinaca Amaanka iyo Musuq ay kula kaceen Maamulka Muqdisho dadka Qaxootiga ah ee Yaman ka yimi oo ay ka kala shaxaaden lacagtii ay Somaliya iyo deegaanadooda ku gaadhi lahaayeen. Kulan balaadhan oo Xukuumada Somaliland iyo Hay’daha UNHCR iyo kuwa Caalamka ay wada yeesheen aya la isla qaatay inay dadkaas gaadhsiin doonaan deegaanada ay ka yimaadeen, sidoo kalana looga Wada shaqayn doono Xagga Amniga Si aan dadkaas Qaxaya aanay ugu soo hoos dhuuman Argagixisadu.

 

 

Waxaa la xaqiijiyay in Xukuumada Soomaaliya ay musuqmaasuqday lacagtii Maraakiibta loogu kireeyay dadkaas masaakiinta ah sivay Muqdisho iyo Koonfurta u gaadhsiiyaan,, iyaga oo lacagtii qayb la hadhay oo Maraakiibta ka codsaday inyay dadkaas masaakiinta Berbera ku qubaan. Hay’daha IOM iyo UNHCR ayaa imika aqbalay Inay dadkaas deegaanadoodii gaadhsiiyaan.

 

 

Gabiley News Network