Daawo: Ilmo yar oo u dhashay wadanka Ivory Coast oo lagu soo tahriibiyey gudaha shandad lagu qaato alaabooyinka

Ceuta (Gabiley.net) Ilmo yar oo sideed jir ayaa waxa lagu soo tahriibiyey shandad ka mid ah kuwa ay qaataan marka dadku dhoofaan (Suitcase), sidaa waxa sheegay Police-ka Spain mar ay la hadlayeen warfidiyeeno.

Inankan yar oo magaciisu yahay Abou ayaa laga dhex helay shandada waxaana lagu qabtay gabadh 19 jir ah markii ay soo gaadheen Magaalada Ceuta ee Spain ee ku xigta Wadanka Marooko khamiistii.

Markii Police-ku ay fureen shandadii ka dib markii ay baadhayeen shandadaha ayaa waxa ay ku dhex arkeen ilmo yar oo xaalad khatar ah ku jira.

Ilmahan yar wuxuu ka yimi wadanka Ivory Coast imikana waxa gacanta ku haya maamulka  Ceuta ee Spain oo daryeelaya.

ilmoyar1 ilmoyar2

 

ilmoyar

Gabiley News Network