Daawo: Xafladihii Dagaaldega 18 MAY 2015 ee Magaaladda Bristol-UK

Bristol (Gabiley.net) Waxa maanta ilaa caawa ka socda Magaalada Bristol degaal degga 18 May 2015, kaas oo aan loo kala hadhin Caruur iyo Cirooleba.

Waxa maanta gelinkii hore la isugu tegay barxada ka horeysay City Hall-ka Magaalada Bristol, kaas oo dhammaan caruur iyo waayeelba lagu farxsanahaa in lagu damaashaado calamada Somaliland, gootan oo ahayd goobtii sanadkii hore laga taagay calanka Somaliland maanta oo kale 2014kii.

Waxa sidoo kale caawa Hotel-ka Future Inn ee magaalada Bristol lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay oo guddidii hore Guurtida Bristol ugu xil saareen in ay soo qaban qaabiyaan xafladda Bristol soo qaban qaabiyeen.

Xaflad oo dhammaan bulsho weynta Somaliland caruur, dumar, dhallinyaro waayeel iyo ciroolayaalba ugu dabaal degeen sanadguurada 24aad ee ka soo wareegay magaalintii Somaliland lagu dhawaaqay ee 18 May 1991kii.

Xafladan oo aan loo kala hadhin dhammaan xisbiyada Somaliland-na ay si wada jir ah uga soo qayb galeen.

Waxa sidoo kale xafladda Bristol ka soo qayb galay La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha oo aad ugu dheeraaday in xisbiyada la taageero oo laga daayo arrimaha qabyaalada waayo wuxuu yidhi Dimuqraadiyada aynu qaadanay ayaa raali gelinaysa in labadii walaalaha ahi ay kala taageeri karaan laba xisbi Qaran ee yeynaan Xisbiyadeena ka dhigin reero ee aynu xisbinimo ku taageero xisbiyada.

Waxa isaguna sidoo kale ka hadlay Safiirka Wareega ee Somaliland Mudane Kaysay oo aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay maalintan Somaliland.

Xafladan oo ay ka hadleen Suldaan Mahdi Cabdi, Madax dhaqameed iyo Guurtida Bristol   iyaga oo muuqaal ah naga filo mar dhow.

Hadalkii Suldaan Mahdi Cabdi ee Furitaanka Xafladii 18 May 2015 ee Bristol uu ka jeediyey

Waxa sidoo kale xafladii furitaankii ka hadlay Oday Xasan Cali Wayd oo aad ugu mahadnaqay dadkii soo qaban qaabiyey iyo kuwii ka soo qayb galayba.

Waxa sidoo kale hadalkooban jeediyiey Sheekh Xasan Haaruun oo taariikhda Maanta ee 18 May uu aad ugu dheeraaday, wuxuuna sheegay in loo duceeyey intii u dhimatay iyo inti ku dhaawacantayba maalintan qaaliga ah.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiirkii hore ee warshadaha Somaliland Maxamed Saleeebaan Weyne oo isaguna sidan yidhi ”

Oday Cumar Siyaad iyo hadalkiisii

 

086 087 088 089 090

1   091

348 092 093

3 094 095 096 097 098 099 100 101 102

103 104 105 106 107 108 109 110 111 112

346 113 114 115

329

2 332 333

amin 334 335 336 337 338 339 340  344 345  347    358

bristol1 bristol2 bristol3 bristol4 bristol5 bristol6 bristol7 bristol8 bristol9 bristol10 bristol11 bristol12

359 bristol13 bristol14 bristol15 bristol16 bristol17 bristol18 bristol29

Gabiley News Network