FAO Oo Baadhitaanada Mashaariicdeeda SL Siisay Machad Laga Soo Waariday Muqdisho Oo Ku Caan Ah Necbaanashaha Qadiyada SL.

Hargeysa(GNN)-Haayada cuntada aduunka ee FAO, ayaa mashaariicda ay ka hirgaliso Somaliland u soo koraysatay inay baadhitaan ku sameeyaan urur ku caanbaxay siyaasad ka soo hor jeeda qaranimada Somaliland.

Maxadkan oo ah HERITAGE oo uu  hogaamin jiray Cabdiraxmaan Caynte oo marar badan lagu yaqaanay sida ba’an ee uu u weeraro  qadiyada Somaliland lagna dhigay haatan wasiir ka tirsan dawlada Somaliya, maxadkan HERITAGE ayaa ka shaqeeya arimaha siyaasada, waxa xirfad ahna aan ulahayn dhanka baadhitaanada.

Masuuliyiinta ka socday maxadkan HERITAGE ayaa afartii maalmood ee ugu danbaysay ku sugan Somaliland iyaga oo u kala dabqaadayay gobalada dalka, halka xukuumadda Somalilandna aanay war ka hayn.

Haayadan cunada aduunka ayaa Somaliland ka heli karaysay dad xirfadan leh oo hawlahaas u qabta, waxase meesha ka muuqata inay ku jiraan arimo siyaasadeed iyada oo horena ay u jireen isku dayo badan oo haayadaha qaramada midoobay ay ku dhaawacayaan qadiyada Somaliland. Dhawaan ayay ahayd markii wasaarada qorshayntu ay soo saartay in aanay haayaduhu ka keensan shaqaale dibada iyada oo laga helaayo dalka shaqaale shaqadaas qaban kara.

 

logadagnn