Gabadh 12 jira ah oo la afduubay oo ka sheekaysay sidii loo afduubay iyo meesha la geeyay.

Hargaysa(GNN)-Muhiim Cumar Aadan waa muwaadinada u dhalatay Wadanka somaliland waxaana lagu Afduubay gudaha magaalada hargaysa iyad oo loo dhiibay waaraqo ay siixir ku jiraan,iyada oo markaas ay gaadhi ku qaadeen dabadeedna u geyeen rag Cadaan Ah.

Muhiim waxa ay sheegtay inaanay Garanay ilaa xiligaas Halka Ay ku sugan tahay iyada oo marba sida uu aabaheeda cadeeyay hadalo isdhaaf Ah ku hadlaysa,waxa ay ka warantay siday waxa ugu dhaceen iyada oo iftiimisay in ay gabadh naqaam xidhani ku qaadatay gaadhi una gaysay rag cadaan Ah.

Ciidanka Dagmada macalin Haaruun ayaa iyagu diiday in ay baadhis ka sameyeen aagii laga soo helay inanta


waxaana ay baaq u direen taliyaha ciidanka booliska somaliland inuu arintaas ka hawl galo si aanay shacab kale ugu dhicin.
“waxaan Marayay Meel Wado Ah,Gaadhi Ay saarnayd Gab Naqaamani ayaa layga yeedhay waxaana ay ii dhiibtay Waraaq Cad iyaduna ilamay Hadal dabadeed anigu gaadhigii Ayaan galay,Laba nin oo gaadhiga ku dhex jiray ayaa hareeraha iga fadhiistay,Markaas ayaa miyir iigu danbaysay wax danbe oo dhacay garan Maayo,gaadhigii waa layga dajiyay guri wayn ayaa lay dhex galiyay oo ay fadhiyaan Saddex nin oo cadaan Ah.

intaas waxa ay ku dartay iyada oo hadalkeeda siiwadata.”Saddexdii nin ee cadaanka ahaa mid ka mid ah ayaa isoo agfadhiistay waxna imuu waydiin,gabadhii I qaadatay ayaa dibada ii soo tuurtay ana waan cararay,Gurigii laygeeyay Garan maayo,Gabadhiina wajigeedii iskamay Saarin oo indho shareer ayay xidhnayd,waxaan ku soo baxay Ciyaal guri hortaagan siday wax iigu dhaceen Ayaan uga waramay,Hooyadeed ayay iigu yeedhay waxaana laygeeyay jeelka macalin Haaruun.

Muhiim Cumar Aadan Xiliga Lasoo afduubay waxa ay ka soo rawaxday iskuulada luuqada ingiriisiga lagu dhigto Da’deedu waa 12jir,Goobtii Lageeyay iyo Saldhiga Macalin Haruun Kaabiga ayay isku hayaan siday Ay shegeen Dadkii Saldhiga gayeeyay,Ciidankaas Degmadaasina wax baadhis Ah oo ay sameyeen majirto.

Abaaha Dhalay Muhiim Cumar Aadan ayaa isagu si murug ku dheehan tahay xaaladeeda Caafimaad uga waramay Gabadh uu dhalay oo ku sifeeyay Xiligaas loo soo sheegay in Saldhiga lagu hayo Mid Aad u liidata.

“inantan aan dhalay waxa la Afduubay Shalay Afartii galab Nimo waxaana ay xiligaas ka timid iskuul lagu dhigto luuqada,waxaan lagu qaaday gaadhi yar oo layidhaa dukhaanka oo ay wadatay gabadh naqaam xidhan waxaana ay u dhiibtay waraaqdaas cad ee ay gacanta hada ku hayso,Waxaana lageeyay dagmada macalin haaruun oo ku taal waqooyiga hargaysa,Kalmadaha ay is waydiinayeen waxa ay ka xasuusataa inantu In ay ku jireen kalmado ingiriisi Ahi.

waxa uu baaq u diray Taliyaha Qaabilsan Arimaha Amniga cabdilaahi fadal Iimaan oo ugu baaqay inuu ka hawl galo sidii Ay Ciidanku gacanta ugu soo dhigi lahayeen Dadkaas khil-khalka galinaya amaanka waxaana uu yidhi.

“Ciidanka ayaa ila soo hadlay ilmahaagii yaraa halkan ayaanu ku haynaa ee u kaalay,Roobka oo da’aya Ayaan ilaa xalay dhex soconay,dhibaato aad iyo aad ah ayaa igu dhacday naxdin xad dhaaf ahna way igu noqotay oo aanan qaadan Karin Anigu,dadka muwaadiniinta ah ee ku dhaqan somaliland waxaan uga baqayaa in ay ku dhaci Doonto hadaan laga hawl galin,Ciidanka markii aan ku yidhi halkii lagu qabtay Halayga hawl galo ilmahaagii waad haysataa ee bax ayaa laygu jawaabay,waxaan ugu jawaabay ilmahaygi waa kan oo dhibaato ayaa ku dhacday ee ciidanku hay hawl galaan,waar kaxayso way bad qabtaaye ayaa laygu jawaabay.

Cumar Aadan Maxamuud waxa uu sheegay in inanta jasadkeedu uu muuqdo hadana aad ka dareemayso hadalo is dhaafsan,waxa uu sheegay caruurtii kale inaanu maanta u dirin iskuulkii,isaga oo cadeeyay in ay soo food saartay caruurtii amni daro,Cabsina uu ka qabo  in ay hadan mar kale ku dhacdo.

“Caruurtii kale maanta umaan dirin Mal-caamadii maxaa yeelay amni daro ayaa dalkii soo food saartay,Ciidanka Booliska waxana Farayaa in ay ka hawl galaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen,madaama oo ay ku siifidi karto hadaan laga hawl galin.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa caruur badan laga dareemay magaalada hargaysa kuwaas oo siyaabooyin kala duwan loo kaxaystay ayaa hadana Wax talaabo ah oo ay ciidanka boolisku qaadeen majirto iyo cid loo qabtay oo ay soo bandhigeen.

 

logadagnn