Mudo kordhin Cusub oo lasoo bandhigay,Xisbiyada qaranka oo ku kala aragti duwan.

Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland Waddani Ucid iyo Kulmiye ayaa la sheegay inay  ku heshiiyeen In Doorashadu Qabsoonto Bisha Novemeber 2016, Isla Markaan Wakhtigii Sannadka ee Komsihanka Doorashooyinku Hore u soo Kordhiyeen ku dareen Shan Billood iyo Shan iyo Toban Cisho.

Waxa Soo dhaweyey Wakhtigaasi cusub  Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye oo ay u kala Hadleen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Balse Xisbiga Waddani ayaa ku Gacan saydhay Go’aankaasi isla markaana Ganafka ku dhuftay Mudadaasi Cusub waxany sheegeen in waxa ay ku heshiiyeen wax ka duwan ay ka maqleen Gollaha Guurtida.Heshiiskaas oo lagu waday in maanta la saxeexo ayaan dhicin ,kadib markii xisbiga Wadani uu iman waayay.

Goor dhaw ayaanu idinla wadaagi doonaa video ga warkaasi.

logadagnn