Maamulka Puntland oo xayiray Televishanka Somaliya iyo Maamulka Xamar oo ka Hadashay

Mogadishu(GNN) Mudane Cabdirisaaq Cali Yusuf (Bahlawi), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Somaliya ayaa ka hadlay go’aankii Maamulka Puntland ay ku joojiyeen in SNTV ay ka howlgasho deegaanada Puntland. Agaasimaha Guud ayaa yidhi “Dowladda Somaliya waxay aad uga xuntahay go’aanka Maamulka Puntland uu ku joojiyey in Telefishanka Somaliya (SNTV) uu ka howlgalo degaanada Puntland.”

Bahlawi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wasaaradda Warfaafinta Somaliya waxey ugu baaqeysaa Maamulka Puntland inay si shuruud la’aan ah u oggolaato in SNTV uu ka howlgasho degaanada Puntland. SNTV waa TV Somaliyeed oo Maamulka Puntland lagama xigo oo waa TV-goodii waana TV-gii Soomaaliyeed oo nooga wada baahan inaan u fududeyno howlahooda isla markaasna ku dhiiri gelino inay shacabka Somaliyeed ka haqabtiraan baahida warbaahinta dalka.”

Agaasimaha Guud ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Wasaaradda Warfaafinta ee Maamulka Puntland waxaan ka codsaneynaa haddii ay jirto cabasho inay si toos ah noogu soo gudbiyaan si loo xaliyo.

QORAALKA MAAMULKA PUNTLAND KU JOOJIYAY SNTV:

PL Warqad

logadagnn