Maareeyaha Cusub ee Tv ga Qaranka Waanu soo dhaweynaynaa Telefishankuna maaha meel laga baqo ee waa meel wayday maamul hagaagsan

Hargeisa (GNN)-Telefishanka Qaranka iyo Wasaaradda Warfaafintu Labadduba Meel Halbaowle ah oo qaranka ah ayay ku Yaalaan waa Meel aan Qaadi Karin, wanjalaad.mixnad,qabyaalad ee Daacadnimo iyo Hawl kar lagu hanan karo Waxaan halkan ka Caddaynayaa inay Goobtaasi ay Halakeeyeen Waxyaabaha aan Kor ku soo Sheegnay Waxaan ku Ogahay Shaqaale hawl kar ah aqoon leh oo u daacad ah shaqadooda iyo Maamul wanaagsan sida Madax barnaamij, Madax warar, Tifaftire dhamaantood waa dad Khibrad leh sida ugu Wanaagsan ayay ula shaqeynayeen Maareeyihii Hore Balse Markaad tidhaahdo Aniga Wax kaste ah Maareeye ah dee Barina waa inaad garataa inay kaa soo socoto Anigaa Wasiir ah Kolay Nin aqoon lihi Wax badan wuu garan karaa laakiin Anaa amiir .
Ku Tallax tegi Maayo Maareeyihii Hore Maareeyaha Cusubna waxaan Leenahay Ku soo Dhawoow Telefishanka Qaranka Wasaaraddaayadda Warfaafintana Madax Aqoon leh ayaan ku hubaa oo Daacad ah Adigaa ka samaysan kara Shaqo wanaagsan Waanan kula shaqeynaynaa wixii kaa qaloocdana si Wacan ayaanu kuugu sheegaynaaye Wax kaa Qori mayno ama ku fadeexadayn mayno Guul ayaan kuu Rajaynaynaa .

Wariye Mohamed mussa inji
Hargeysa
Somaliland