Madal Kulmisay Muxaafid Iyo Mucaarid oo Caawa Ka Dhacday Magaalada Boorama,+SAWIRRO.

Boorama(GNN)-Munaasabad Si heer sare loo soo agaasimay ayna ka soo qayb Galeen Mas’uuliyiin Sar Sare oo ka kala Socday Mucaaradka Iyo Muxaafadka ayaa ka dhacday Hotel Maana Guest ee Magaalada Boorama,Munaasabadaas oo ahayd mid ay ku qalin jabinayaan dufcadii Labaad ee ka qalinjabisa Machadka Barahsa Aadama Ee “Life Sharping And Personal Trainin Instute” kuwaas oo dhanaa 175 Arday Oo Isku Jiray Wiilal Iyo Gabdho.

Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (19)

Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Maamulka Guud Ee Machadkan Maxamed Ibraahim Faarax Iyo Maamule Ku Xigeenka Axmed Shaadiri Dhidar waxa ayna ku dheeraadeen heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray machadkani iyo ardaydii ka qalin jabisay mudadaas iyo waxyaalaha ay ardaydu bartaan oo ay sheegeen inay ka mid tahay sidii Qofku iskii u Istaagi Lahaa isku filaansho aqooneed iyo mid xirfadeedna yeelan lahaa taas oo ay sheegeen in ay ku guulaysteen in ay soo saaraan aday haatan Boqolaal Qof Ku Dhaw.

Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (10)

 

Sidoo kale waxaa isna halkaas Hadlay Gudoomiye Ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed waxa uuna u hanbalyeeyay Ardaydaas baratay Horumarka Aadamaha kana baartay Machadkan Life Sharping waxa uuna u rajeeyay in wixii ay barteen ku Dabkhaan Bulshadoodana uga Faa’iideeya waxa ay ka barteen Machadkan Qaaliga.

Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (27)

Gudoomiye Seed ayaa sidoo kale nasiib daro ku tilmaamay in maamulkii waxbarasho ee Gobolka Awdal uu ka maqnaado Munaasabadan qaaliga ah ee Ay Ardaydani Ku qalinjabinayeen iyada oo ah sida uu sheegay  ka mas’uul ahaan ay Munaasabadan uga yimaadeen Magaalada Hargeysa iyaga oo ay hawlo badan u qabyo ahaayeen Taas oo uu sheegay in mas’uuliyiintii wasaaaradani  khusaysay oo degmadii jooga ay wax laga xumaado tahay inay ka soo qayb galaan xaflad lagu marti qaaday,waxa kale oo uu ugu danbayn  dhalinyarada niyada ugu dajiyay inay samraan oo waxa ay barteena meel adag ku xifdiyeen si bari ka maalin ay u anfacdo.

Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (21)

 

Dhanka kale waxaa isna halkaas hadal mahadnaq ah ka soo jeediyay ,Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar,Xaaji C/qaadir Aadam Nuur Maareeyaha Shirkada Telesom Boroama,Barkhad Batuun Xirsi,Afhayeenka Dhalinyarada Xisbiga WADANI Faysal,Maayorka Boorama Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Awdal waxa ayna dhamaantood Sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin Da’yartan baratay mid ka mid ah Aqoonta qofka Bini Adamku u baahan yihin ayna soo dhawaynayaan Machadkan Barashada Horumarinta Bini Aadamka.

Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (29)

Ugu Danbayn waxaa munaasabadan soo Afmeeray  Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Eng.Xirsi Xaaji Cali waxa uuna ku dheeraaday Faa’iidada Ay Leedahay Aqoonta Iyo Nabad Galyada isaga oo Reer Awdal ku amaanay inay yihiin Hooyadii Aqoonta Iyo Somaliland taas oo uu ardayda kula dardaarmay inay cilmigaas la baray dadakooda kale ee walaalaha ah ay gaadhsiiyaan si loo helo Bulsho Aqoon leh oo horumar ku talaabsato waxa uuna da’yartaas kula dardaarmay inay ku daydaan haldoorkii reer Awdal ee taariikhda Somaliland meel sare kaga yaala isaga oo tusaale ahaan U soo qaatay Suldaan Sheekh Muuse Jaamac Goodaad Iyo Abwaan Xasan Sheekh Mu’min.

IMG_3730

Gabogabadii Munaasabadan ayaa Waxaa La Gudoonsiiyay Shahaadooyin Ardaydkii ka qalin Jabisay Machadkan Life Sharping And Persoan Training.

IMG_3743  IMG_3760IMG_3767IMG_3780IMG_3788Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (1)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (2)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (3)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (4)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (5)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (6)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (7)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (8)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (9)  Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (11)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (12)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (13)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (14)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (15)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (16)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (17)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (18)  Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (20)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (21)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (22)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (23)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (25)Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (26)  Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (28)

 

 

Marti Sharaf Xaflad Wasiir Xirsi (30)