Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa guryahooda ku booqday Odayaal Qaranka Taariikh ku leh oo xanuusanaya una soo duceeyey

Hargeysa (Gabiley.net)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu guryahooda ku booqday sadax oday oo qaranka magac iyo taariikh wayn ku leh.
odayaashan oo in muddo ah xanuun u jiiday waxa ay kala yihiin:-

1. Maxamed Cabdi Arabay
2. Maxamud Dhol-dahable
3. Maxamed Cabdi Iskerse.

Booqashada Maxaxweynuhu waxay daaranayd ka war haynta odayaasha tiir dhexaadka u ah qaranka ee xanuunada u jiifta isaga oo kolba qaar ugu tegidoona goobaha ay ku sugan yihiin hadba,
hadaba shalay ayey ahyad markii uu madaxweynuhu booqday una duceeyey sadexdan oday illaahayna u waydiiyey odayaasha caafimaad sareecana in illaahay siiyo xanuunka ka dul qaado.

Madaxweynaha waxaa booqashada ku wehelinayey marawada koowaad ee qaran Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirka maaliyada zamzam Cabdi Aadan, xildhibaan nac-nac iyo xildh Cali Xasan iyo masuuliin kale.

duco1 duco2 duco4

 

Gabiley News Network