DEG DEG: Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Safiirka Itobiya u fadhiyi doona SL

Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa saaka Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Safiirka Somaliland u joogi doona magaalada Adisababa ee wadanka Itoobiya.

Gudomiyaha cusub ee maxkamada sare loo magacaabay Prof Aden xaaji Cali sawirka hoose ayaa ah nin dhalin yaro ah oo aad u firfircoon ,waxa uu imka ahaa Hormoodka Kuliyada Xalinta khilaafaadka ee Jamacada Hargeysa waxanu sidoo kale la shaqayn jiray dalada ururada aan dawlga ahayn ee SONSAF.

Arimaha garsoorka Somaliland oo baryahan aad looga dayrinayay ayaa la eegi doonaa sida uu uga hawlgallo prof.Aaden xaaji.

aaden

Halkan ka akhriso warsaxafadeedka madaxtooyada oo dhamaystiran.

Date -24/05 /2015

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/M/XERM/249-3319/052015 uu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;

Markuu Aqoonsaday: Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Markuu ku Qancay: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Isku Qanciyey: In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Wuxuu Go’aansaday

In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

MAGACAABIDA WAKIILKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND U FADHIYA DALKA ITOOBYA

 

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL,

ahna ku simaha af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

logadagnn