Magaalada Hargaysa oo Dhul Laga Dejinayo Qaxoontiga Dagaallada Yemen Ka Soo Cararay.

Hargeisa (GNN)-Dawladda Somaliland, ayaa diyaarinaysa qorshe dhul gaar ah lagu dejiyo qaxoontiga ka soo qaxaya dagaalka ka socda dalka Yemen oo ilaa hadda dad lagu qiyaasay laba kun ay soo gaadheen magaalooyinka Somaliland.
Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa iska kaashanaya bixinta iyo diyaarinta dhul xero qaxoonti noqda dadka ka soo yaacaya colaadda Yemen ee ku sugan caasimadda Hargeysa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Maxamuud Jibriil Yoonis iyo Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, ahna Ku-simaha Maayarka Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagowayne) oo ka qaybgalay shir lagaga hadlayey dardargelinta guryo loo dhisayo dad danyar ah oo ku nool magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay si wadajir ah u hirgelinayaan dhismahooda Wasaaradda Dib-u-dejinta, dawladda hoose ee Hargeysa iyo hay’adda UN-HABITAT oo lagu qabtay xarunta dawladda hoose maanta, ayaa faahfaahin ka bixiyey dhul loo diyaarinayo dejinta dadka qaxoontiga ah.

Ugu horreyn, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Maxamuud Jibriil Yoonis, ayaa sheegay in qorshaha dejinta oo wasaaraddiisu waddo ay dhul waydiisteen dawladda hoose ee Hargeysa, waxaannu yidhi, “Waqti xaadirkan qaxoonti fara badan oo ka soo yaacaya dagaallada dalka Yemen ayaa Somaliland jooga, sidaasi darteed, haddii aannu Wasaaradda Dib-u-dejinta nahay waxaannu doonaynaa in aannu ururinno oo aannu meel u samayno, arrintaasna dawladda hoose way nagu garabtaagan tahay, waxaannuna waydiisanay inay nagu caawiso dhul, taana Maayar-ku-xigeenku wuu naga aqbalay, aadna wuu ugu mahadsan yahay.”
Dhinaca kale, Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagowayne), ayaa ballanqaaday inay diyaar u yihiin soo dhawaynta iyo dejinta Qaxoontiga reer Yemen, “Halkii la dejin lahaa dadka qaxoontiga ah ee ka soo qaxaya dalka aynu walaalaha nahay ee Yemen annagu haddii aannu nahay Golaha Deegaanka ee caasimadda Hargeysa diyaar baanu u nahay,”ayuu yidhi Md. Cabdicasiis Cagoweyne.

logadagnn