Orodyahanka Caanka ee Somaliland Mo Farah oo la dabaaldegay Jaaliyadda Qatar xafladda 18 May 2015

Doha (Gabiley.net) Waxa magalada Doha ka dhacay ciyaraha loo yaqaan Olympics Doha, halkaas oo uu ka soo qayb galay orodyahanka caanka ah ee reer Somaliland Mohamed Farah,  oo ay si la yaableh ay ugu soo dhaweeyeen qoomiyadiihi kala duwana ee meesha iskugu yimid, oo ay ka mid ahaayeen Ethiopa, Somaliland, Somalia, British iyo dad aad u fara badan oo kale.

Hadaba jaaliyada reer Somaliland ee Doha waxay fursad u heshay in ay xaflad ku qabtaan si heer sare loo soo agaasimay  , xafladaasi oo uu ka soo qayb galay isla markii ciyaartu dhamaatay Mo. Farah iyo orodyahanka kale ee reer Djabouti Ayaanle . Mo Farah halkaas oo u muwaadinimadiisa iyo Somaliland jacaylkiisa ku muujiyay, kana qayb qaatay xafladii 18-may ee lagu qabtay halkaasi, waxa kale oo Ayaanle uu qalinka ku duugay una sexeexay caruurti halka joogtay calanka somaliland. Xafladaas oo noqotay mid aan hore nooceeda loo arag oo uu ka qayb qaatay ciyaaryahanka  haysta biladaha kala duwan ee caanka ah MO Farah.

ayanle1 mo mo1 moh2 moh3

 

Gabiley News Network