SOLJA oo Afka Ka Xidhay Hagar-daamooyinka ay Saxaafadda Madaxa-Banaan ee SL La Kulanto.

Hargaysa(GNN)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Xuska Maalinta Saxaafadda Adduunka ee 3-da May oo maanta ku beegnayd soo saaray War-Saxaafadeed xaqiiqada ka fog oo Masuuliyiinta Ururku sheegeen inay kaga hadlayaan Xaaladda Saxaafadda maalintan darteed, balse ay hadh saareen xaaladda dhabta ah iyo dhibaatooyinka jira ee la deriska ah Saxaafadda Somaliland, gaar ahaan intii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay.

Waxa War-Saxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), lagu sheegay inay Somaliland ka mid tahay meelaha dunida ugu horreeya marka loo eego dhinaca heerka madax-bannaanida Saxaafadda, iyadoo la ogyahay inay Wargeysyo madax-bannaan oo Hargeysa ka soo bixi jiray muddo laba sano iyo dheeraad ah u xayiran yihiin Xukuumadda talada haysa, kuwaasoo ay Maxkamadaha sharciga ah ee dalku fasaxeen marar kala duwan, balse aanay Xukuumaddu ku dhaqmin xayiraad ka qaadidda Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal.

Sidoo kale, muddadii Xukuumaddani jirtay waxay Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland la kulantay dhibaatooyinka fara badan oo kala duwan oo tacaddiyo, xadhig, xayiraad, hanjabaad, cabsi-gelin iyo dil-ba isugu jira ay kala kulantay dawladda, gaar ahaan Xukuumadda. Sidaa darteed, waxa uu warkan SOLJA u muuqdaa mid Xaqiiqada garab-marsan.

Qoraalka War-Saxaafadeedkan ka soo baxay Ururka SOLJA ee uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururkaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:- “War-saxaafadeed: Xuska maalinta Saxaafadda Adduunka 3 May: Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu maalinta Saxaafadda dunida kala qayb-qaadanayaa xuska 3-da May ee maalinta Saxaafadda Dunida, taasoo maanta laga xusay daafaha dunida, gaar ahaan SOLJA waxay farxadda maanta la qaybsanaysaa Qaaradda Afrika oo Xuskan si weyn looga qaban-qaabiyey, maaddaama oo dib-u-dhac badani ka muuqdo, isla markaana Xukuumadaha ka taliya qaarkood si xun ula dhaqmaan Suxufiyiinta.

Xuska maalinta Saxaafadda dunida oo ku beegan maanta oo ay bishu tahay 3 May SOLJA waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo taageerta Xorriyatul-qawlka iyo Madax-bannaanida Saxaafadda oo Tiir muhiim u ah bulshooyinka Caalamka iyo Dawladdaha ka jira, kuwaas oo ay saxaafaddu tabiso xogaha  iyo wararka ay is-dhaafsadaan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu caddaynayaa Somaliland inay tahay Dal Madax-bannaan oo Xorriyatal-qawlka iyo Madax-bannaanida Saxaafaddu tahay dunida meelaha ugu horreeya, inkasta oo ay jiraan caqabado kooban oo la odhan karo horumar baa laga samayn karaa haddii Xeerarka iyo shuruucda dalka ka jira dhinac kastaa u hoggaansamo.

Madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland waxay la kowsatay yagleelidii Qarankan Nabada ah ee Dunidu ku majiirato Amaankiisa, taasoo saxaafadda Somaliland u sahashay inay hawl-maalmeedkooda u gutaan si xor ah. Munaasabadanina ay maanta ku soo beegantay iyadoo aanu jirin suxufi  reer Somaliland ah oo Xidhan ama Maxkamaddi ku socoto.

Sidoo kale, SOLJA waxay  ka werwersan tahay xaalada ay ku sugan yihiin xarumaha warbaahineed ee xidhan  sida Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal waxayna  ugu baaqaysaa Xukuumadda Somaliland inay dib Albaabada ugu furto Hay’addahaasi Warbaahineed kuwaasoo xidhan sanadkii labaad. Gudoonka Suxufiyiinta Somailand waxay ku bogaadinaysaa saxaafada iyo suxufiyiinta inay sanadkan kiisa ku gaadhaan horumar badhaadhe iyo nabad-qab.”

Warkan ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ku soo beegmay maalinta Saxaafadda Adduunka ee 3-da May 2015-ka, isla markaana waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo u xayiran yihiin tiraba laba Wargeys oo kala ah Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal oo ay Maxkamadaha dalku fasaxeen, balse si gaar ah ugu xayiran Xukuumadda talada haysa.

Waxa uu sidoo kale ku soo beegmay warkani, iyadoo afartii sannadood ee ugu dambeeyey ee ay talada haysay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, tacaddiyadii ugu badnaa ay la kulmeen Suxufiyiinta Madaxa-bannaan ee ka hawlgala dalka Somaliland, tacaddiyadaas oo isugu jiray xadhig, jidh-dil, hanjabaad, cabsi-gelin, Xayiraad xarumo Warbaahineed oo madax-bannaan iyo abaabulka Xeerar Saxaafadda lagu cabbudhiyo oo ay muddo isku hawshay Xukuumadda talada haysaa.

Intii ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, waxa markii ugu horreysay Somaliland ka dhacay in Suxufi dil loogu geystay, kaasoo ka hawlgalayey Telefeshinka Universal oo uu u joogay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasoo ahaa Marxuum Axmed Faarax Ilyaas (Axmed-Saakin) oo sidoo kalena ahaa Wakiilka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA u joogay gobolka Sool, kaasoo aan dilkiisa cid loo qabtay oo loo Maxkamadeeyey jirin, baadhitaankiisiina la marin-habaabiyey, ka dib markii sida la sheegay uu galay Masuuliyiin dawladda Somaliland ka tirsanaa sida la sheegay.

Sidaa awgeed, waxa uu u muuqdaa War-Saxaafadeedka ka soo baxay SOLJA mid ka fog xaqiiqada rasmiga ah ee ay ku sugan tahay Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland ka jirtaa tan iyo intii ay jirtay Xukuumadda talada haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), maaddaama oo ay tirada Suxufiyiinta muddadaas la xidhayna kor u dhaafeen dhawr boqol oo Suxufi sida uu SOLJA laftiisu hore u caddeeyey.

 

logadagnn