Urur Caalamiya oo Ku Sheegay inay Amni-darada Ka Jirta Somaliland Sababtay Dhoofinta sharci Darrada ah ee Duur-joogta.

Urur caalami ah oo ka shaqeeya ilaalinta ugaadha iyo xayawaanka duur-joogta ah, ayaa ka hadlay dhalo yaryar oo hareemacad ah oo lagu qabtay gudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo qaab koontarabaan ah loo dhoofinayey.

War qoraal ah oo uu soo saaray ururka caalamiga ah ee la yidhaah Born Free Foundation, kana shaqeeya sidii xayawaanka duur-joogta ah loogu ilaalin lahaa inay ku noolaadaan dhulka

miyiga ee kaymaha ah, ayaa lagu sheegay in lagu guulaystay badbaadinta saddex hareemad yaryar ah oo ay haysteen dad si qarsoodi ah uga ganacsada xayawaanka koontarobaanka ah, kuwaasoo lagu qabtay gudaha Somaliland, markii dambena loo qaaday goob ku taal dalka Itoobiya oo xayawaanka lagu xannaaneeyo.

“Somaliland oo ku yaal Gobolka Geeska Afrika waxa sannadkasta lagu kala iibsadaa ilaa 300 (saddex boqol) oo ugaadha iyo duur-joogta yaryar ah, iyadoo ay arrintaasna ugu wacan tahay heerka ammaanka oo aad u hooseeya degaannada Somaliland iyo goobaha xadkiisa ku yaal,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay ururka la yidhaah Born Free Foundation oo Wargeyska Jamhuuriya u turjumay Af-soomaali, kaasoo intaas ku daray; “Ururka Born Free Foundation waxa uu xayawaanka khatarta ugu jira inuu dabar go’ ee hareemacadka ee lagu qabtay Somaliland u qaaday goob la yidhaah Ensessakotteh oo ku taal gudaha Itoobiya bishii April ee sannadkan, halkaasoo ay ku biireen 11 hareemacad yaryar ah, libaaxyo, shimbiro iyo xayaawanno kale oo la qabtay iyagoo la dhoofinayo si looga ganacsado.”

Qoraalka ururka caalamiga ah ka soo baxay, ayaa sidoo kale lagu sheegay in xayawaannada halista ugu jiray inay adduunka ka dabar go’aan ay tiradoodu hoos u dhacday 90% qarnigii la soo dhaafay, iyadoo hadda xayawaankaasi tiradooda guud gaadhayso inta la ogyahay ilaa 10 kun, si joogta ahna ay hoos ugu sii dhacayso, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa ka ganacsigooda iyo in si kootarabaan ah loo iibiyo.

Source: Jamhuuriya