Waa Kuma safiirka Cusub ee Somaliland ee wadanka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed maxamed Maxamud ayaa saaka magacaabay safiirka Somaliland u fadhiyi doona wadanka Itoobiya ka dib markii uu safiirkii hore Aaden Nuux Dhuule xilka ka qaaday dhawr bilood ka hor.

 

 

Safaarada Itoobiya ayaa ah mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan marka loo eego arimaha aqoonsiga SL maadama oo magaalada Adisababa ay tahay Xarunta midawga Africa iyadoo sidoo kale ay ku yaalaan safaarado badan oo saamayn ku yeelan kara qadiyada JSL .

safiir

 

Sida laga wada warqabo beesha caalamka ayaa aqoonsiga Sl ku xidhay in marka hore wadamada Afrika ay aqoonsadaan,hadaba magaalada Adisababa oo ah meesha laga bilaabo kari in qadiyada SL laga dhaadhiciyo dalalka afrika ,isla markaana laga sameyn karo saaxiibo aad inoogu dhaw ayaa ay lagama maarmaan tahay in loo magacaabo qof karti iyo aqoon u leh isla markaana wax badan ka fahansan qadiyada Jamhuuriyada Somaliland

Hadaba safiirka cusub ee saaka u madaxweynuhu magacaabay mudane Maxamuud Aaden Jamac ayaa ah nin aqoontaa iyo kartidaaba leh .

Ambasador Mohamuud ayaa ah nin dhalin yaro ah oo aqoon durugsan uleh arimaha siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah ,waxana uu ahaa shakhsi si madax banaan ugu dhaqdhaqaaqa Ictiraaf raadinta JSL .

Safiirka cusub waxa uu imka ahaa Gudoomiyaha ururka Somaliland Society oo fadhigiisu yahay wadanka UK.

Waxanu leenahay hambalyo safiirka cusub oo aad loogu hanwayn yahay rajo badana laga qabo waxa aanu sidoo  kale hambalyaynanaa madaxweynaha SL  oo qof arintaa qaban kara soo magacaabay.

 

 

logadagnn