Wafti Somaliland kasoo kicitimay oo ka qaybgalay carwo caalami ah oo lagu qabtay wadanka Finland + SAWIRO.

Waftigii Somaliland kasoo kicitimay oo uu hogaaminayo maayar ku xigeenka gobolka Togdheer oo  carwo caalami ah  oo lagu qabanayo wadanka Finland kasoo qaybgalay

1

Waxa  magaalada Turku ee wadanka Finland ka bilaamatay maanta oo ay taarikhdu tahay 5.5.2015 carwo caalami ah oo soconaysa ilaa mudo 3 maalmood ah.6

Haddaba carwadan caalamiga ah oo lagu casuumay ilaa 52 wadan oo ay ku jirto jamhuuriyada S/land ayaa waxa uga qayb gelaaya wafti uu hogaaminaayo maayar ku xigeenka gobolka Togdheer  mudanne Muxumad Xasan Jaamac (xoday) iyo maareyaha wakaaladda biyaha ee gobolka Togdheer mudanne Ibrahin Xasan.5

Waxa  waftiga soo casuumay  maayarka magaalada  Turku Seppo Lehtinen iyo  Xildhibaan Roda C/laahi Xasan oo ah muwaadinad u dhalatay S/land. 4

Waxa si balaadhan waftiga loogu soo dhaweeyay carwada halkaas oo gudoomiyaha gudidda carwada mr Jarmo Linkosaari  uu ku qaabilay waftiga soo dhawayn farxad leh   sidoo kale waxa masuulkan ku weheliyay soo dhaweynta waftiga S/land madax  gudoonka waxbarashadda ee magaalada Turku qayb xidhiidhka wadamada dibadda marwo Hannu Imanen. 3

Gelinkii danbe ee maanta ayaa waxa xalfad balaadhan loogu sameeyay dhamaan wadamaddii kasoo qayb galay carwadda guriga magaaladda looga taliyo, halkaas oo maayarka magaaladda mudanne  Seppo Lehtinen uu si diiran oo farxad leh ugu soo dhaweeyay waftiga S/land  una balan qaaday inay S/land ku marti qaadi doonan  sanadka danbe sidii ay ugu soo bandhigaan alaabahooga carwaddan (insha allah).2

waxa uu kulankii waftiga uu kusoo dhamaaday maanta guul iyo kulamo qiimo badan oo ay la yeesheen masuuliyiin badan oo ay kula kulmeen carwadda iyo xalfaddii soo dhaweynta ee galabta.

Eng. Jamaal C/laahi Xassan

Turku /Finalnd

ismeal.hassan@gmail.com