Waftigii SL ee safarka ugu Maqnaa Imaaraadka oo maanta dalka dib ugu soo laabtay + SAWIRO.

Waftigii Somaliland ee safarka ugu Maqnaa Wadanka Imaaraadka Carabta una tagay Wadahadalkii Shirkada Dhismaha Dekedaha oo danaynaysay Maalgashiga Marsadda Berebra ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana si balaadhan  loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamigaa ee Cigaalka.

 

DSC_0014

 

Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan  ayaa Warbaahinta uga warbixiyey  waxyaabaha ay ka wada hadleen Shirkadaasi  iyo waxa uu safarkoodu daaranaa, Wasiirka oo qolka nasashada Madaarka Saxaafada kula hadlay sheegay  inay kulmeen Dawlada  Imaraadka iyo ShirkadaDP_WOLRD  islamarkaana ay  ka wada hadleen arimaha maalgashiga iyo Dekeda berbera iyo dalka oo dhan, Wasiirku waxaa uu sheegay inay u gudbiyeen ka dalwad ahaan rabitaankooda sidoo kale ay madaxdaasi kale soo bandhigeen  doonitaankooda danaha ay leeyihiin , Wasiir Xirsi wuxuu xusay inaan wali wax heshiisa aan la gaadhin balse laysla eegay qoryayaasha horumarka iyo maalgashiga dalka.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa hoosta ka xariiqay inay ka dawlad ahaan doonayaan maalgashi dalkoo dhana si loo horumariyo dalka, isla sidoo kale wuxuu sharaxay  qaabka dekada berbera   hada u shaqayso   iyo qaabka lala doonayo mustaqbalka isagoo daboolka ka qaaday in dekeda berbera hada dherer  ahaan tahay 600MT lana doonayo in intaasi toban laabkeed la gaadhsiiyo, dhanka kale wuxuu xusay wasiirku in iyana laga fekeraayo wadadii la doonayey inay isku xidho  Dalkeena iyo dalalka kale.

 

 

DSC_0018DSC_0021DSC_0023DSC_0027DSC_0028DSC_0037DSC_0039DSC_0047DSC_0053

 

logadagnn