War degdeg ah: Ra’iisal Wasaaraha Wadanka UK oo maanta la gaadhsiiyey codsi ah inay Dawladda UK Aqoonsato Somaliland

London (Gabiley.net) Waxa maanta Ra’iisal Wasaaraha wadanka Boqortooyada Ingiriiska Mr. David Cameron la gaadhsiiyey codsi ah in dawladda UK ay aqoonsato Madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Amb Ali Adam Cawaale ayaa hormood u ahaa dadkii gaadhsiiyey codsigaas Ra’iisal Wasaaraha dawladda UK, isagoo ku booqday Guriga looga taliyo UK ee Number 10 Downing Street.

Gaadhsiinta codsigan ayaa ku beegan 24 guurada ka soo wareegtay maalintii carruurta Somaliland nabad ku seexdeen ee 18 May 1991.

Number10 Number101 Number102 Number103  Number105

 

Gabiley News Network