DAAWO Wasiirka warfaafinta ayaa maanta xilkii u kala wareejiyay Maareeyaha cusub iyo maareeyihii hore ee Tv ga qaranka

Xaflad si wayn loosoo agaasimay oo saaka lagu qabtay xarunta Tvga qaranka Somalilnd ayna  kasoo qayb galleen wasiirka ,wasiir ku xigeenka,agasimaha guud iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada.,ururka suxufiyiinta Solja iyo fanaaniin badan ayaa saaka xilkii kula kala wareegeen  maareyihii hore ee Tvga Khadar Cali Gaas iyo maareeyaha Cusub Cabdi Cali Mahdi.

Maareeyihii hore ayaa hadal dheer halkaa ka jeediyay kana waramay waxqabdkii mudadii uu joogay u qabsoomay.sidoo kale shaqaalaha ayuu kula dardaarmay inay isku duubnaadaan iyo inay soo dhaweyan maareeyaha cusub.

Dhinaca kale maareeyaha cusub ayaa sheegay inuu si cadaalad ah ula dhaqmi doono shaqaalaha.

Ugu danbayntii wasiirka Warfaafinta Cukuse  ayaa halkaa ka hadlay isagoo khilaafkii dhawan ka jiray wasaaradana ku tilmaamay foosha maareeyaha cusub ,waxanu sheegay in imka maareeyihii cusbaa dhashay khilaafkiina uu dhamaan doono.

waxanu xilkii halkaasi ugu kala wareejiyay labada masuul.

logadagnn