Xarunta Hiddo Dhowr ee Magaalada Hargeysa oo lagu soo dhoweeyey Hadraawi iyo Wariye Nimco Samriye + SAWIRO.

Hargeysa (Gabiley.net) Waxa qoraal kooban oo ay soo saartay Fanaanada Caanka ah ee Sahra Halgan ay ku sheegtay in (maanta) shalay galinkii danbe uu soo booqday Xarunta Hido Dhowr ee magaalada Hargeysa Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo waliba wariye ku qaali ah agteeda.

Qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan:

Ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee waxaa galabta nagu soo booqday Hiddo Dhawr Abwaankeenii aabihii jacaylkaa Mahamed Ibraahin Warsame Hadraawii iyo inan igu qaaliya Nimca Samriye wariyada wariyayaasha.

Booqashadooda xarunta aad ayaan u soo dhoweynayaa uguna mahadnaqayaa ayay Sahri raacisay.

Dhiniciisa waxaa si farxad leh xarunta u indho indheeyey Abwaanka Hadraawi oo ku tilmaamay xarun wakhti hore loo baahnaa.

halgan halgan1 halgan2 halgan3

 

Gabiley News Network