Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Puntland oo caawa lagu dilay Magaalada Galkacyo.

Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur oo ka tirsanaa golaha Wakiilada ee maamulka Puntland ayaa fiidnimadii Jimacada ee maanta lagu diley magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xildhibaanka ayaa la diley isaga oo ka soo baxay salaadii makhrib masjidkii uu ku tukadey oo lagu magacaabo Abu-hureyra.

Waxaa wararku sheegayaan in Xildhibaanka lala diley qof kale oo waardiyihiisi ahaa.

Kuwa dilka geystey oo rasaas iyo bombada gacanta adeegsadey ayaa markiiba gaari ku baxsadey sida ay warbaahinta u sheegeen goobjogayaal.

Ma jirto cid sheegatey dilkan oo dhacay saacado ka hor, waxaase Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ayaa sheegey in ay ku tuhmayaan in al-Shabaab ka danbeeyaan dilka Xildhibaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ayaa ku sugan magalada Galkacyo isaga oo safar diyaradeed kaga yimid magaalada Kismaayo.

Waa Xildhibaanki u horeeyey ee maamulka Puntland gudaheeda lagu dilo tan iyo markii uu xilka la wareegay Cabdiweli Gaas, bishii hore ee Abril ayaa al-Shabaab sheegteen dil loogu geystey magaalada Muqdisho Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo  ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Puntland.

 

 

logadagnn