Xukuumda SL oo Xayiraadii Ka Qaaday wargayska Hubaal.

Wargeyska Madaxa Banaan ee HUBAAL ayaa mar kale xorriyaddiisii dib u helay Maanta kadib markii Maxakamadda Gobolka Hargeysi ay qaraar ka soo saartay xayiraad saarnayd muddo Sannad iyo Lix bilood ah. Sidoo kale Maxakamadda Gobolka ayaa oodday isla markaana diiwaanka gal-dacwadeedka ka tir-tirtay Kiiska dacwada.

Go’aan Maanta ka soo baxay Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo uu ku saxeexan yahay garsooraha maxkamada G/maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil.

Sida lagu sheegay  qaraar maanta uu soo saaray Gar-soore Axmed Dalmar Ismaaciil oo gal-dacwadeedka Kiiskan ayaa lagu wargaliyey Hay’adaha

Amniga in Xayiraadii saarnayd Wargeyska Hubaal laga gaaqay, isla markaana ay u madax banaan yihiin hawlahooda.

Wargeyska Hubaal ayaa xayiraad kasoo Baxday Maxkamadda Gobolka Hargeysa la saaray 13-kii BIshii December ee Sanadkii 2013-ka, waxana Muddadaas sannadka iyo badhka ah ee uu xayirnaa aan wali la arag wax dembi ah oo cidi kusoo oogtay, waxase laga bilaabo maanta Wargeyska si buuxda Looga qaaday xayiraaddii muddada dheer saarnayd.

IMG_7528IMG_7524

 

 

 

 logadagnn