Barashada dhismaha afka iyo aqoonta ku duugan afkeenna hooyo oo xalay lagu soo gabogabeey Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Gabiley.net) Waxa xalay magaalada Hargeysa lagu soo gabogabeeyey waxbarasho muddo laba bilood ah oo la baranayay Dhismaha afka iyo aqoonta ku duugan afkeena hooyo.

“Haddii aad leedahay go’aan, waad ka midho dhallin kartaa. Xalay guul, farxad, reynreyn, iyo niyad wanaag ayuu nogu dhammadey muddo laba bilood ah oo aan baraneyney dhismaha afka iyo aqoonta ku duugan afkeenna hooyo. Cid kasta oo taageero, iyo niyad wanaag nala garab taagneyd waan uga mahadnaqayaa muddadaasi kooban. Gaar ahaan waxaan u mahadcelinayaa bare sare Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, Jaamac Muuse Jaamac, Cumar Seerbiya iyo dhammaan ardeydii dedaalka wacnaa ee aan wada dhigan jirney, gaar ahaan horjoogahii fasalka, oo wax badan isku dubba-ridi jirtey”  Qoraal Khaalid Jaamac Qodax

khalid khalid1 khalid2 khalid3 khalid4 khalid5 khalid6 khalid7 khalid8 khalid9 khalid10 khalid11

Xuquuqda sawirrada

logadagnn