Daawo: Fadlan ka qayb qaado sidii loo caawin lahaa dadka uu asiibay xanuunka Dhimirku

Somaliland Mental Health Support Organization oo urur si mutadawacnimo ah u shaqeeya oo fadhisiigu yahay  Wadanka UK, taas oo ujeedooyinkiisu yihiin sidii loo caawin lahaa dadka uu asiibay xanuunka dhimirku oo la aas-aasay April 2011 una aasaasay Nasir Ciise Geeljire, ka dib markii uu daawaday muuqaalo laga soo duubay dad xanuusanaya gudaha magaalada Hargeysa, ayaa xalay si rasmi ah loogaga dhawaaqay in dadka Magaalada Bristolna qaybteeda ka qaadan doonto ururkaa caawinaya dadka xanuunka dhimirku asiibay.

Kulanka balaadhan oo xalay lagu qabtay Magaalada Bristol oo ay ka soo qayb qaleen madaxda Somaliland Mental Health Support ayaa lagu daawaday muuqaalo dad dhibaataysan una baahan caawimo. Ka dibna waxa la la isla qaatay in dhammaan dadkii ka soo qayb galay madashaasi ay la shaqayn doonaan Somaliland Mental Health Support oo aanay waxba ka hakran doonin.

Waxa kale oo dadkii reer Bristol ee kulankaa ka soo qayb galay ay aad ugu bogeen dadkaa isku xilqaamay inay macluudka iyo la wadaagan walaalahood iyana Ilaahay Ajar iyo xasanaad ka siiyo.

Kulankaa ka dib waxa la isla qaatay in dadweynaha Bristol ee danaynaya in la caawiyo dadkaa dhimirka ka xanuusanayo kulan lagu qaban doono magaalada Bristol 21 June 2015 goobta iyo wakhtigana aan idiin soo sheegi doono.

Haddii aanu nahay bahda Gabiley Net waxa aanu idiin soo gudbinaynaa muuqaalkan kooban ee 20 daqiiqo ah nala daawo wixii aad tari karto oo aad dadkaa walahaagaa dhibaataysan u qaban karto dhinacaaga ka caawi wixii aad u qaban kartid.

 

 

IMG_4223 IMG_4224 IMG_4225 IMG_4227

 

 

caawi caawi1 Dr. Deeqa Ilaahow caafimaadsii Ilaahow caafimaadsii1 Ilaahow caafimaadsii2 Ilaahow caafimaadsii3 Ilaahow caafimaadsii4

 

logadagnn