DAAWO Sawirada:Baarlamaanka SL Ka Qaybgalay Shir Caalamiya iyo Waftiga oo Madasha Hadal ka Jeediyay.


Shirkan 00 mudo usbuuc ah socday ayay ka soo qayb galeen wefti ka socday Somaliland Baarlamaankeeda isla markaana uu hogaaminayay Gudoomiyaha gudida ilaalinta iyo Dabagalka Hantida qaranka ee Golaha wakiilada mudane Maxamed Cali Xirsi ayay ujeedadiisu ahayd sidiikor loogu qaadi lahaa la xisaabtanka iyo kor u qaadka habka korjoognimo ee Baarlamaanada dunida.
Kulankan ayaa waxa warbixin dheeer ka jeediyey Gudoomiyaha Gudida dabagalka iyo la dagaalanka Musuq maasuqa ee golaha wakiilada Maxamed Cali Xirsi waxaanu kaga warbixiyey sooyaalkii taariikheed ee Somaliland nidaamka ka jira, Baarlamaanka iyo sida uu u shaqeeyo, Miisaaniyada iyo heerarka ay marto iyo inta haayadood ee ka ku shaqada leh, waxa kale oo uu Gudoomiye Maxamed Cali xirsi si faahfaahsan uga waramay Guddida dabagalka iyo la dagaalanka musuqmaasuqu sida ay u shaqayso una samayso La xisaabtanka Hay’addaha Dawliga ah.
Madaxdii ka kala socday 40ka dawladood una badnaa Xisaabiyayaal, Hantidhawrayaal iyo Gudiyada dabagalka u qaabilsan Baarlamaanada ayay badidoodu u qushuuceen una sheegay weftiga wallow aanay hore u maqal dalkan yar hadana ay aad ugu faraxsan yihiin sida uu dunida ula jaanqaaday isagoo aan weli la aqoonsan.
Weftigii Somaliland ayaa la filayaa inay dhakhso ugu soo guryo laabtaan dalka kana warbixiyaan waxay kala soo kulmeen halkaas.






