DAAWO Sawirdada:Musharaxa Jamal Ali Xuseen oo ku soo beegmay Shirkii beeshiisa Ciise-muuse oo ka dhacay london.

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid aqoon-yahan Jamal Ali Xuseen oo ku soo beegmay Shirkii sanadlaha ahaa ee beeshiisa Ciise-muuse  oo ka dhacay london 

9Murasharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ku soo beegmay  shirkii sanadlaha ahaa ee Beesha Ciise Muse  oo ka dhacay Galbeedka Caasimada London 7/5/2015 . Musharax Jamaal wuxuu beeshiisa u cadeeyay in dhinaca reerka uu la mowqif iyo siyaasadba yahay Marxuum Mohamed Xaji ibrahim Cigaal Madaxweynihii hore ee Somaliland salka u dhigay. Jamaal wuxu shirka ka yidhi, “Ciise Muusow Xaqdaro iyo Xoolo dadweyne idin siinmaayo, xaq aad leedihiina idin duudsiyi maayo. idinkuna Qabyaalad iyo Beelnimo haygu taageerinina, ee waxaa igu taageertaan tariikh nololeedkayga, kartidayda  iyo waayo aragnimadeyda aan caalamka la soo shaqeeyey  ka dhaxlay, waxaad u fiirsataan oo eegtaan  CV-gayga, waxaana aad ku dhererisaan kuna qotomisaan taariikh nololeedkayga aan godobta iyo gocashada  lahayn, waxaana igu taageertaan oo igu garab-gashaan dhu-dhunka iyo dhumucda aan dheeraado markaad isku dhererisaan ee aad i bar-bar dhigtaan musharaxiinta kale ee aanu wada tar-tameyno  inshaa-Allah ” 

8
Musharax Jamal Ali Huseen wuxuu goobtaa ka yidhi ” Waxaan shacabka JSL u balan qaadayaa, Wax qabad buuxa oo kontaraat ah oo dhamaystiran oo damaanad qaad leh, Tuseyaal iyo Taarget leh (indicators ) ku waas oo leh halbeeg lagu cabiro ( quality insurance ) iyo weliba kala horeyaal iyo hor jooge yaal aan ku iman qab-qab iyo qaraabe kiil  ee ku iman doona aqoon iyo waayo aragnimo buuxda oo wadi karta hawlaha loo igmaday ee isbedel doonka ah “
Alleh ayaa Mahad Leh !
Waa Bilaahi Towfiiq
Tebiye: A/fidhinle 
765432