DAAWO:Taliye Fadal Oo Ka Waramay Hawl-gal Boolisku Fuliyeen Oo Hub, Gaadiid Iyo Eedaysaneyaal Lagu Qabtay

Hargeysa (GNN)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa shaaca ka qaaday inay Ciidanka Boolisku soo qabqabteen todoba nin oo Dableysan hubeysana oo ciidanka rasaas kala hor yimi iyo Afar Qori oo AK47-na iyo dhowr baabuur oo ay wateen, isla markaana nin ka dhaawacay dableydii.

Taliyaha ciidanka Booliska waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa. “Waxaan halkan idiinku sheegayaa warbixin hordhac ah oo baadhis ku jirta, Saaka Abaaro 9:00 Subaxnimo waxa ciidanka Booliska ay odayaal waayeel ahi ku soo wargeliyeen in dhulka Masalaha oo horena dil uga dhacay oo ku taalla Koonfurta Magaalada Hargeysa inay rag hubeysan oo gaadhaya illaa dhowr iyo labaatan ay joogaan, Ciidanka Boolisku iyaga oo gudanaya waajibka ka saaran nabadgelyada qaranka Somaliland iyo bulshada reer Somaliland waxay ku baxeen raga hubeysan oo weliba ka soo jeeda dhinacii falkii dilka ah nin dhinacooda ka tirsani uu geystay, kadib markii ciidanka boolisku hawlgalkaasi galeen waxay raggaasi kala hor yimaadeen iska caabin ama shaqo iska hortaag hubeysan oo ay rasaas ciidanka booliska ku soo rideen.”

 

logadagnn