DEGDEG: Isku Aadka ciyaaraha Quarter final ka African cup nations UK oo lasoo saaray ,Somaliland yay la ciyaaraysaa iyo Goorma?Akhri.

Ciyaaraha Koobka Africa ee Ka socda wadanka UK ayaa gaadhay wareega sideed dhamaadka (Quarter finals) ,waxana wada ciyaari doona 8 kooxood oo kasoo gudbay wareegii hore , Kooxda ka socotay wadanka Nigeria oo sadex jeer ku guuleystay koobkan iyo kooxda matalaysay wadanka Seraleone oo koobka difaacansay ayaa labadooduba hadhay, waxana gudubtay kooxda ka socotay Jamhuuriyada Somaliland oo markii u horaysay iyadu tartankan ka qayb gashay  ,7 da wadan ee kale ayaa kala ah Burundi,Cameroon,Senegal ,Marocco,Uganda,Ivorycoast iyo Ghana hadaba Galabta ayaa lasoo saaray sida ay kooxahaasi u wada ciyaarayi doonaan oo ah sidani.

Morocco v Burundi
Somaliland v Senegal
Cameroon v Uganda
Ghana v Ivory Coast

Ciyaarahan ayaa dhici doonta maalinta sabtida ee bisha June 6 tahay ,waxana lagu qabanayaa Garoonka West Ham Memorial Ground ee magaalada London.

Dadweynaha ree Somaliland ee dagan wadanka Uk gaar ahaan London waxa laga codsanayaa in ay maalintaa isku soo baxaan oo taageero u muujiyaan ciyaartoygooda.

Somaliland Guul iyo Gobanimo.

logadagnn