Dowladda Kenya oo sheegtay  inay Joojisay Duulimaadyadii Somaliya Ka Iman Jiray

Xukuumadda Kenya ayaa Shaacisay markii ugu Horreysay inay xayirtay duulimaadyadii uga imaan jiray Somaliya safarka Madaxweynaha Dalka Mareynkanka Barack Obama uu ku tegi doono dalkaas bisha July ee soo socota.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu wargeliyay sida ay sheegeen in la hakiyay wax walba oo duulimaad ah oo tagi jiray Somaliya iyo kuwii ka imaan jiray, taasoo salka ku haysa sida loo sheegay booqashada Obama.

Dadweyne Soomaaliyeed ee doonayay inay dib uga soo laabtaan Somaliya ayaa ku xayiran garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta, kuwaasoo qaarkood kaga dhoofay dalkaas dalalka dariska ah, si ay u soo galaan Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in taallaabadan ay uga gol-leeyihiin sidii lagu sugi lahaa amniga Madaxweynaha Mareykanka iyo wafdigiisa, iyadoo lagu wado in Obama uu booqdo deegaankii uu ku dhashay Aabbihiis.

 

 

logadagnn