Dr. Edna Aden Ismaciil oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay xafladii soo dhoweynta Fly Dubia

Hargeysa (Gabley.net) Dr. Edna Aden Ismaciil oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay xafladii soo dhoweynta Fly Dubia ee Magaalada Hargeysa, xafladaas oo ay afka-ingiriisiga ku khudbadaysay waxay masuuliyiinta diyaaradda u sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay shirkadda Fly Dubia ku soo dhoweyso maanta magaalada Hargeysa, iyada oo ay Edna 1991 ka soo degtay Egal Airport aanay u malaynin inay arki doonto shirkado ganacsi oo tan oo kale ah inay mar uun ka soo degi doonto Madaarkan, waayo wakhtigaa wuxuu ahaa mid burbursan oo diyaarado gubtay oo milatari iyo gawaadhi gaashamanba oo wada dhacayba ay ka buuxeen hareeraha iyo gudaha madaarka.

Daawo Khudbadii Edna iyo sida geesinimada leh ee ay ula dardaarant ahay shirkadda iyo sida ay uga sheekaysatay Somaliland.


logadagnn