Jamaal Cali Xuseen oo dhaliilay jilayaasha Sooraan iyo Jawaan ,DAAWO Ruwaayada Jamaal ka hadlisay.

Murashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga UCID mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa ku eedeeyay jilayaasha caanka ah ee Sooraan iyo Jawaan in ay had iyo jeer wax ka sheegaan Mucaaradka iyo saxaafada madaxa banaan haseyeshee aanay soo hadal qaadin xukuumada iyo saxaafada dawlada.

Qoraal kooban oo uu ku qoray barta uu Facbook ga kuleeyahay Jamal Cali Xuseen waxa uu ku yidhi ” Sooraan iyo Jawaan oo aan ixtiraam wayn u hayo waan arkaa iyagoo duraya xisbiyada mucaaridka xaqna way u leeyihiin,waan arkaa iyagoo imikadan duraya saxaafada madaxa banaan xaqna way uleeyihiin,laakiin wali maan araga iyagoo duraya xukuumada iyo golayaasha qaranka ee xukunka umada u haya,imika muddo kordhin iyo Guurti baa laga cabanayay kamana ay hoga tusaaleyn,ha ogaadaan in qiimahooda jilaanimo hoos u dhacayso hadii ay indhaha ka laliyaan danta qaranka iyo xaqiiqda jirta.Kolay iyagu saxaafadan ay dacaayadaynayaan waxay is leeyihiin difaaca xukuumadee,tolow miyay ilaaween saxaafada ay xukuumadu maamusho ee beenta qaawan ka sheegta mucaaridka” ayuu yidhi jamaal cali xuseen.

Halkan ka Daawo ruwaayada uu Jamaal Ku dhaliilay Sooraan iyo Jawaan.

logadagnn