Maamulka Muqdisho oo Heshiis Kula Galay Masaarida Dekada Berbera iyo Halista Colaada Wabiga-Niil ee Itoobiya iyo Masar.

Qaahira (GNN)- Wasaaradaha beeraha, iskaashiga caalamiga ah iyo ganacsiga iyo wasaaradda warshadaha ee dalka Masar ayaa ku hawlan dadaallo ay iskaashi dhinacyo badan oo dhaqaale kula samaynayaa Soomaaliya, waxaana muddooyinkii u dambeeyey jiray heshiisyo kala duwan oo wasaaradahani muddooyinkii u dambeeyey la galayeen wasaaradaha dhiggooda ah ee Soomaaliya. Haddaba heshiisyada kala duwan ee ay Masar la gashay Soomaaliya waxaa ka mid ah mid lagu sheegay in lagu horumarinayo dekedda Berbera ee Somaliland oo aanay dawladda Somaliya ka talin, si ay marin ugu noqoto waxyaabaha loo dhoofinayo dalka Masar, oo uu ka mid yahay hilibka lo’du. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Misr Al-youm oo ka

soo baxa dalka Masar waxa uu sheegayaa in dawladda Masar ay dawladda Soomaaliya kula heshiisay horumarinta kaabayaasha lagama maarmaanka u ah wax-soo-saarka Soomaaliya ee loo dhoofin doono Masar, waxaana kaabayaashaa ka mid ah in la dhiso kawaanno xoolaha lagu qalo iyo maxjarro lagu daryeelo caafimaadka xoolaha nool, waxaana maalgelinaya ganasato Masaari ah.

Wargeyska Al-Misr Alyoum waxa uu intaas ku daray in labada dawladood heshiisyadan ku kala saxeexanayeen safar uu Jimcihii wasiirka beeraha ee Masar Salaax Hilaal ku tegey magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, lana shaaciyey in uu kulamo la qaadanayey wasiirka xanaanada xoolaha ee Soomaaliya.

Xasan Xaafid oo madax ka ah Jimciyadda Xoolaha ee Afrika ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyskan Al-Misr Alyoum waxa uu ku sheegay in lagu wado in wasiirrada wasaaradaha aynu kor ku xusnay ay dhiggooda Soomaaliya wada saxeexanayaan heshiis iskaashi oo u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, gaar ahaan Is-dhaafsiga ganacsiga oo ah in badeecadaha cuntada ah, dawooyinka iyo qalabka guryaha laga soo dhoofiyo dalka Masar, Soomaaliyana dhinaceeda dalka Masar u dhoofiso  hilibka, xoolaha nool iyo kalluunka.

Xasan Xaafid waxa uu wargeyskan u sheegay in Soomaaliya ay caan ku tahay dhoofinta xoolaha nool, iyada oo tirada xoolaha nool ee ku dhaqanna uu ku qiyaasay illaa 30 Milyan oo neef.  Dhinaca kalana wasiirka Beeraha ee Masar Dr. Salaax Hilaal ayaa sheegay in  dalkiisu uu hadda diyaar u yahay in uu fuliyo barnaamijyo kor loogu qaadayo tayada farsamo ee ruug-cadaaga Soomaalida, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhinacyada horumarinta khayraadka xoolaha iyo kalluunka.

Dawladda Masar ayaa u muuqata inay iska indho tirayso xaqiiqda jirta ee ah inaanay dawladda Somaliya ka talin dekedda Berbera oo ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo xorriyadiisa la soo noqday 18 May 1991.

Isku soo wada duuboo Masaadida ayaa doonaysa inay maamulka Muqdisho u isticmaasho colaada wabiga.Niilka ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Masar.

 

 

Geeska