DAAWO:Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dhawaan la Magacaabey (SAWIRO).

HARGEYSA(GNN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo uu madaxweynuhu magacaabay 24/05/2015 una gudbiyey Golaha Wakiilada, iyaguna ay ansixiyeen 03/Jun/2015, ka dibna uu xilkii gudoomiyaha maxkamada sare kala wareegay 08/Jun/2015, gudoomiyihii ka horeeyey ee xilka laga qaaday Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil cali.
 
 Maanta oo taariikhdu tahay 28/Jun/2015 na uu dhaartii dastuuriga ahaydna uu madaxweynaha qaranka Somaliland u dhaariyey gudoomiyaha cusub si uu hawlaha horyaala u gudo galo, isaga oo sharciga islaamka ugu dhaartay shacbiga iyo qaranka Somalilandba.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu gudoomiyaha dhaarta ka dib ugu duceeyey in alle u fudaydiyo xilkaasi, kana dhigo mid dalka iyo dadkaba u horseeda kala danbayn iyo cadaalad.

DSC_0002

DSC_0006

DSC_0009