Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Ku Soo Wajahan Addis-Ababa iyo Dulucda Kulan Dhexmari Doona Raysal Wasaaraha Itoobiya

Hargeysa(GNN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Todobaadkii ugu danbeyey Safar Shaqo ku joogay Imaaradka Carabta ayaa Maanta la Filayaa in uu Yimaado Waddanka Itoobiya isaga oo magaalada Addis ababa kula kulmidoona Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn .

labbadan Masuul kulankooda ayaa la sheegayaa in uu salka ku hayo siddii ay u sii xoojin lahayeen Xidhiidhka Labbada Dal u dhexeya ee kala ah dhinca Amaanka iyo Ganacsiga.
Waxa kale oo la Filayaa in ay ka waddahadlaan Mashruuca Berbera Cordor oo Dawlada Itoobiya aad u danaynayso si ay u istcimaasho Dekeda Berbera.

 

logadagnn