DAAWO:Meydadka Ragii Weeraray Xarunta uu ka Socdo Shirka Gobolada Dhexe Somaliya oo La Soo Bandhigay + SAWIRO NAXDINLEH.

Faah Faahin dheeraad ah oo kasoo baxday weerar is miidaamin ah oo lagu qaaday xarunta kaffaaalo oo ah halka uu ka socda shirka maamul u samaynta  gobolada dhexe ee Soomaaliya oo ka socda degmada Cadaado.

Wararka ayaa tilmaamaya in gaadhi lagu soo xidhay walxo qarxa lala beegsaday  xarunta isla markiina ciidamada AMISOM ee kasoo jeeda wadanka Ethiopia ay fureen rasaas xoogan oo ay is waydaarsadeen dablay kale oo markii qaraxu dhacay kadib, damacsanaa in ay  gudaha u galaan  goobtaasi.

Laamaha amniga Soomaaliya ee ku sugan magaalada cadaado ayaa laga soo xigtay war sheegaya, in  la dilay dhamaan raggii weerarka soo qaaday, balse ilaa iyo hadda lama hayyo xaqiiqo muujinaysa khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa saaka ka dhacay cadaado.

Xarunta la weeraray  waxaa ku sugan boqolaal oday dhaqameed ah, kuwaasi oo ka shiraya sidii maamul loogu samayn lahaa gobolada galguduud iyo mudug.

DSC03053

 

 

 

logadagnn