DAAWO:Musharax Jamaal Cali Xuseen oo Madaarka Hargaysa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay + SAWIRO.

Hargaysa(GNN)-Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland Ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa masuuliyiinta sarsare ee xisbigu saaka dalka sidiiran ugu soo dhaweeyay isaga oo laba bilood dalka dibadiisa ugu maqnaa,sida uu tilmaamay arimo xisbiga ucid Ah.



 

Jamaal Cali Xuseen safarkiisa waxa uu ku sheegay mid Guul ugu soo dhamaaday waxaana uu ka hadlay Xaalka Siyaasadeed ee uu Maanta dalku Marayo isaga oo Soo dhaweeyay go’aankii uu raali Galinta kaga bixiyay Daahir riyaale kaahi Xisbigii Udub ee uu Cali waran Cade sheegtay inuu jeebka ku shubtay.

Dhinaca kale waxa uu Xukuumadda ku macneeyay mid Wakhtigeedi Dhamaaday inta ka horaysay 26ka juun hadaanu madaxwaynahu ka soo saarin Digreeto ka hadlaysay Wakhtiga Doorashada laqabanayovay noqon Doonto In xisbiyada mucaaradka qool loodhigay xukuumadan Aan dib loo Aamini Dooni.

“Waxaan qaatay Raali Galintii iyo Garawshihii uu sameeyay Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin oo Ahaa Madaxwaynahii Somaliland oo Sharaf iyo Karaamo Naga Mudan,waanan soo dhawaynaynaa garawshiyahaas uu sameeyay waxaanan leeyahay waa talaabo cusub  oo u wanaagsan Madaxda Siyaasada kuna Yar runtii madaxda africaanka,dalkeena waad ogtihiin oo inta ay soo jirtay iyo Inta ay xukuumadani xilka haysayba khaladaad aad u badan ayaa dhacay hadana marqudha Garawshiyo Lagama Bixin,Mudane Daahir riyaale kaahin tusaale ayuu mudan yahay waxaana ay natusaysaa hogaaminta dhabta ah.

intaas waxa uu ku daray Jamaal Cali Xuseen musharax Madaxwayne ee xisbiga ucid.”Qofku hadii ku soo Agistaago waxa uu galayna garawshiyo ka bixiyo waa hogaamiye dhab ah madaxwayne daahir riyaale dalkan somaliland waxbadan ayuu u soo qabtay waxaana uu ka qabtay shan doorasho oo xalaal ah kaas oo ay idhaha caalamku soo jiiteen.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Jamaal Cali Xuseen Xalkii siyaasiga ahaa ee ay ku heshiyeen xisbiyada iyo Xukuumadu oon wali ladhaqan galin isaga oo inta ka horaysay 26juun Xukuumada u soo jeediyay in ay go’aan cad ka soo saarto,isaga oo mudo xileedka madaxwaynaha ku sifeeyay in ay ka hadhsan yihiin wakhti yar oo cayiman waxaana uu yidhi.

“Shacabka somaliland waxa ay Maruun doonayaan inta uu madaxwaynahoodu soo horistaago,madaxwaynahu waa kii ay doorteen,waakii dalka hogaaminayay waakii ay xisbiyada mucaaradku maruun ka sugayeen garawshiiyo anaga oo markasta candhuuftayada dib u liqaynay anaga oo eegayna danta shacabka ayaa tanaasul samaynayay,halka madaxwaynahii dalkan isaga oo eegaya danta shacabka samayn lahaa garawshiiyo,markasta xukuumada heshiis ayay nala galaysay waana ay nagaga baxaysay,waad ogtihiin diwaan galintii siday yidhaheen waad ogtihiin ay doorashada dib u dhigeen.

Sidoo kale Jamaal waxa uu ka waramay sharciyada ay ku doodayaan golaha guurtidu isaga oo faray in ay dabaqaan waxa ay Saddexda xisbi iyo Xukuumadu ku heshiyeen,saleebaan waxa uu ku macneeyay hadalo ka soo yeedhay qaar aan ahayn mid dhaqan ku hadlo waxaana uu yidhi.

“Dalka markay ay abaaro jiraan,dalka marka ay colaadi jirto ayaa muddo kordhinta lasameyee sababana way leedahay oo sharcigan ku yaal,lakiin dastuurku kamuu hadal marka ay jiraan xaaladaasi oo kalaa waxa sharc ah waxa ay Xukuumada iyo Axsaabtu ku heshiyaan,Guurtidii ahayd marka ay dhibatooyinku dhacaan tiina heshiisiin lahayd in ay iyadu dalka afduubto oo qalalaase galiso may ahayn,dadwanaagsan ayaa golaha ku jira garawsiiyo markasta ka sameeya oo yidhi wixii lagu heshiiyay hala raaco,Lakiin guddoomiye saleebaan waad arkayseen sida uu u hadlayay manay ahayn siguurtinimo ku dheehan tahay iyo mid dadka isku soo dhawaynaysaba.

Musharaxa madaxwayne waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay iyada oo muddo xileedka Madaxwayne siilaanyo ku eegyahay Toddobaadka Soo Socda hadana ilaa hada xal Aan laga gaadhi muddo kordhitii sida uu tilmaamay sharciga baalmarsayd ee ay sameyeen golaha guurtid waxaana uu yidhi.

“Madaxwayne siilaanyo waxa ku banaan maanta inuu soo saaro digreeto uu kaga hadlayo Wakhtiga doorashada laqabanayo,Madaxwaynaha somaliland dadku waxa ay doorteen Shan Sano hadana isaga oo loogu darayo oo Xisbiyada la ogol yihiin inuu dheeraado ku darsado maaha hadana wali tiibuu diidan yahay,anagu waxaanu u qaadanaynaa inaanu madaxwayne siilaanyo doorasho rabin guurida wax isla ogayeen Xisbiyada qarankana lakhiyaameeyay oo mid hoose jirto.

26juun haday gaadho waxa uu Jamaal tilmaamay inaan Xukuumadda La Aamini Karin waxa kasta oo lagula heshiiyo dawladuna aanay doorasho diyaar u ahayn ayay tilmaamaysaa,Qaranka somaliland xukuumadu ay khal-khal siyaasadeed galinayso shacabka somaliland waxa uu u soo jeediyay in ay iyaga u taal waxa ay yeeli lahayeen Maalinta ay gaadhpo 26ka Juun.

“Anagu RRU Mahaysano dalkana dhibaato uma wadno khal-khalna kama ridayno,Shuruucda dalkana in cid markasta loodaba faadhiisto oo ay cidi carqalad ku Noqoto maaha,Madaxwayne hogaamin ayaanu kaa sugaynaa Dalkana waxaad kaga tagtaa wanaag iyo adiga oo xushmad laguu hayo.

Safarkiisa uu ku marayay qaybo ka Mid Ah dalka Dibadiisa Jamaal Cali Xuseen Waxa uu ku sheegay mid dan u ahaa xisbiga Ucid iyo Danta shacabka somaliland,goobaha uu marayay waxa uu tilmaamay inuu kula kulmay Jaaliyadaha Somaliland iyo Masuuliyiinta Xisbiga ucid,halka uu shirar layeeshay Wadamada somaliland saaxiibka la ah ee ka Caawiya xaga dumuq-raadiyada.

 

 

logadagnn