Natiijada Ciyaartii Maanta Dhexmartay Somaliland Iyo Senegal + Sawiro

Waxa maanta ciyaar aad u xiiso badan dhex martay ciyaarta Afrikan Cup ee UK kooxda Somaliland iyo Kooxda Senegal Ciyaarta ka dhacday bariga magaaladda London  waxa aad usoo buux dhaafiyey shacab badan oo reer Somaliland ah oo kasoo kala baqoolay daafaha dalka Ingiriiska iyo dalalka Yuruba,Ciyaarta oo wareegii hore 1 iyo 1 la isma dhaafi waayey ayey wareegii labaad kooxda Senegal goal dhaliyeen,Goolka guushu ku raacday kooxda Senegal oo muran badan ka dib ay siidhi walaha iyo kaaliyayaasha ay isku raaceen in uu yahay gool tasoo keentay in Kooxdii ku ciyaareysay magaca Somaliland laga-ga badiyo 1 iyo 2.

Ciyaarta maanta ka dhacday bariga London ayey kooxda Somaliland soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan oo aad looga helay,shacab badan iyo tageerayaal badan oo reer Somaliland ah ayaa aad u tageeraayey kooxda Somaliland,waxayna luxayeen calamo iyo ubax ay ku muujinayaan tageerada ay u hayeen, Waxayna dadka badankoodu aad usoo dhaweyeen heerka ay Somaliland ka gaadhay ciyaarta koobka Afrika ee UK.

Waxay ahayd madal aad u qurux badan,Jawiga oo aad u qurux badnaa,waxayna dadka iyo madaxda cayaarta dawanaayey ay soo dhaweeyeen kulanka Afrikan Cupka waxayna tani keentay in shacabka reer Somaliland ay aad usoo dhaweeyaan in tani tahay horumar la taaban karo.

IMG_9629 copy1
IMG_9732


IMG_9741

 


IMG_9691IMG_9709IMG_9786
IMG_9768 copy4IMG_9764 copy2IMG_9744 copy3IMG_9713IMG_9625IMG_9713