Safiirka Imaaraadka Iyo Diblomaasiyiin KaLe oo Qarax Lagula Beegsaday Muqdisho iyo Khasaaraha Ka Dhashay +SAWIRO.

Qaraxa oo ahaa  gaadhi miinaysan ayaa lagu bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday safiirka dawladda Emirate-ka Carabta iyo diblomaasiyiin kale oo marayay meel u dhaw cisbitaalka Digfeer ee degamada Hodan.

Rasaas xoogan ayaa la maqlay markii qaraxu dhacay kadib, dad badan oo aan tiradood la xaqiijin karin ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi oo ay masuuliyaddiisa sheegteen ururka Al-shabaab ee dalka Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha qaraxa kasoo gaadhay safiirka Emirate-ka iyo waftiga kale,  oo la sheegay in ay la socdeen gaadiidka xabadda celiya.

Al-shabaab ayaa xoojiyay weeraradooda tan iyo markii  ay bilatay bisha Ramadaan, wixii markaasi ka dambeeyay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay in ka badan 10 dil oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil dawladda ka tirsan.

 

Since the start of Ramadan, there have been at least 10 assassinations in the capital targeting government officials [Al Jazeera/Mustafa Abdi]

Wararka kasoo kordha qaraxaasi kala soco  Gabiley.Net

 

logadagnn