Tartanka Quraanka Kariimka ee Hablaha oo La Soo Gaba-gabeeyay iyo Hormoodka Sanadkan + SAWIRO.

Hargeysa(GNN)-Tartanka quraanka kariimka ah ee sanad kasta bisha Ramadaan loo qabto hablaha ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Hargeysa.

 Munaasibad abaal marino lagu gudoonsiinayey  ardaydii hablaha ahaa ee kaalmaha hore ka galay tartanka quraanka kariimka ee sodonka jus iyo shanyo tobanka jus ayaa lagu qabtay masaajidka Rusheeye ee badhtamaha magaalada Hargeysa, waxaana munaasibadan ka soo qayb galay culimo awdiin kala duwan.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay  Sheekh Maxamed Cali  Biixi  kaas oo tilmaamay farxad weyn hablahan xafiday quraanka kariimka ah waxaanu yidhi “ Waxaynu ku faraxsanahay xafladan loo dhigayo quraanka kariimka ah wax lagu farxana iyada ayaa ugu mudan ilaahay ayaa quraankiisana inoogu sheegay,  sidaas darted ayeynu ku faraxsanahay waayo waxaynu halkan ku haynaa wax lagu farxo wixii ugu wanaagsanaa, quraanka ilaahay inoo soo dajiyey isaga ayaa ah ka lagu badhaadhayo if iyo aakhiraba, waxaana hada muuqata inay umadeenu u soo jeedsatay sidii ay quraanka u koryeeli lahayd, waxaana fadli inoogu filan inuu ilaahay quraanka inagu leeyahay ku farxa.” Ayu yidhi Sheekh Maxamed Cali Biixi.

Sidoo kale  Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka hadlay munaasibadan ayaa dar daarano u jeediyey hablahan xafiday quraanka ilaahay, waxaanu ku booriyey inay ka faa,iidaystaan fursadaha waxbarasho ee ay haystaan waxaana hadaladii sheekha ka mid ahaa  “ Aad ayeynu ugu faraxsanahay intan oo hablood oo hablaheenii qaaliga ahaa oo da’doodu sidaas aynu arkayno u yar yar tahay, ubaxaas oo kacaya ee dhadiga ah oo xafidsan kalaamka ilaahay  oo sidaas quruxda badan ee inaga farxisay u akhriyaya kuna tartamaya,  hore umay jiri jirin oo somaalidu barigii hore hablaha kulamay dadaali jirin waxbarashada mid maadiya iyo mid diinayaba waxa haatan muuqanaysa inay wax badani is badaleen  hablihiina loo han weyn yahay haday tahay umada, madaxda, waalidka iyo culimadaba, markaa waxaynu leenahay ka faa,iidaysta fursadaas aanay hooyooyinkiin  iyo hablihii idinka horeeyey aanay helin, waxa kale oo wax lagu farxo ah marka la eego waxbarashada hablaha inahaan anigu arkay gudaha iyo dibadaba  iyaga ayaa kaga maskax fiican wiilasha oo ka dedaal badan oo meelo sare ka gala waxbarashada waana arin laga markhaati kacay iyada oo ay waliba inanta u dheer tahay shaqadii  ay guriga ka shaqaynaysay ee ay waalidkana caawinaysay, halka aad taagan tihiin waa meel aad u qiimo badan kol hadii aad idinka oo da’dan jooga aad quraankii xafideen, waxaana laydinka fadhiyaa inaad umadan kaalintiina qaadataan taas oo waliba lagu tilmaami karo aas aaska iyo gundhiga bulshada.”

Ugu danbayntiina Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka hadlay munaasibadan ayaa ku dhawaaqay ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka quraanka kariimka ah ee sodonka Jus iyo shanyo tobanka jus,  waxaanu sheekhu ka waramay ujeedooyinka laga leeyahay tartamada noocan ah waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “ waxaa doonayaa inaan idinku baraarujiyo  maxaynu uga dan leenahay marka aynu tartanka qabanayo, waxaynu  doonaynaa inaynu marka ugu horaysa quraanka ilaahay xifdigiisa aynu isku ilaalino  ilaahayna inagu ilaalino, inuu ilaahay aduunyada iyo arimaheena inoogu hagaajiyo, iyo inuu ilaahay aakhiradeena inoogu wanaajiyo, ujeedada aynu quraanka u dhiirinaynaa waxa weeyaan inaynu umada ku badalno oo xaga wanaaga u badalno, tartankaas waxaynu uga dan leenahay inuu islaamku sareeyo oo sharaftii  islaamku muuqato, sharafta quraankana inaynu umada tusno.”

Sidoo kale Sheekh Maxamed Aadan Waxa uu ku dhawaaqay ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka quraanka kariimka ah waxaanu yidhi “shanyo tobanka jus kaalinta sadexaad waxa gashay Barwaaqo Axmed Xuseen, kaalinta labaadna waxa gashay  Caasha Aadan Ducaale, kaalinta koowaadna waxa gashay Asma Maxamuud Cabdi, halka sodonka jus waxa kaalinta sadexaad gashay Kaltuun Axmed Warsame, kaalinta labaadna waxa gashay Faa’isa Xuseen Maxamed, waxaana kaalinta koowaad gashay  Asma Maxamed Xasan, waxaana dhamaantood la gudoonsiiyey abaal marino qaali ah.”

Sidoo kale guud ahaan ardaydii ka qayb gashay tartankaas quraanka kariimka ah ee loo qabtay hablaha ayaa lagu gudoonsiiyey abaal marino kala duwan.