Waxaa arrintan ganafka ku dhuftay Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid oo ku dooday inaanay arrintaasi waxba ka jirin, balse ay tahay mid lagu khalkhal galinayo dadweynaha iyo taageerayaasha Xisbiga Ucid.
Xoghayaha Warfaafinta Ucid Yuusuf Keyse Cabdillaahi, oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbiga ee Hargeysa ayaa yidhi “Waxaanu shirkan Jaraa’id u qabanay arrin Shacbiga Somaliland iyo taageerayaasha Ucid ba aad uga yaabisay, arrintaas oo ah War ku soo baxay wargeyska Foore caddadkiisa maanta oo bishu 8 tahay,warakaas oo ay ciwaan uga dhigeen ‘Xisbiga Ucid oo laga dhex wado dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo hor leh oo lagu soo dhawaynayo rag Miisaan ku leh Kulmiye, iskana dhex sharaxaya Ucid’.
Haddaba waxaanu shacabka Somaliland iyo taageerayaasha Ucid ba u caddaynaynaa in warkaasi yahay war been abuur ah, meel laga keenay iyo meel laga soo xigtayna aanu lahayn, waxaanu leenahay waa jaah wareer siyaasadeed oo la galinayo Xisbiga Ucid”
Xoghayaha Warfaafinta Ucid waxa uu intaasi raaciyay in Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen yahay Musharaxa Ucid, sharciga Ucid na ahayn mid hadal lagu bedelo “waxaanu leenahay waa war looga dan leeyahay in Masuuliyiinta Xisbiga la isku dhufto, laguna jaah wareeriyo taageerayaasha Ucid” ayuu yidhi Mr Yuusuf Keyse.