Dhageyso Cod sir ah oo laga duubay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir oo Heshiis kula galaya Boqorka iyo Isimada Puntland in Somaliya iyo Somaliland la mideeyo.

Suldaan Maxamed Suldan C.qadir oo kamid ah salaadiinta ree Somaliland ayaa bilihii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Garoowe si uu dawlada iyo Isimada Puntland uga codsado in la sii daayo Abwaan C/waaxid Gamadiid oo Puntland u xidhay arimo la xidhiiidha argagaxiso.

Hadaba Suldaanka ayaa kulan uu la yeeshay Isimada Puntland oo uu hogaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse waxa uu la galay heshiis ah in Somaliland iyo Somaliya la mideeyo.

isagoo suldaanku sheegay in marka uu Hargeysa ku noqdo  u hawl gali doono sidii uu arintaa uga midho dhalin lahaa.

Suldaanka ayaa hadalkan laga duubay xili uu ka afeeftay in hadalkaa iyo heshiiskaasi dibada u baxaan ,waxaanu yidhi “Dhagax meel dhaw buu ku dhacaa ,Hadalna meel dheer ee arintaasi sir ha inoo ahaato”. hase yeeshee hadlkaa ayaa warbaahinta soo gaadhay.

Lama garanayo in suldaanku hadalkan ku beerlaxawsanayay ree Puntland si ay Abwaanka ugu sii daayaan iyo in ay dhab ka tahay oo uu arintaasi aaminsan yahay,dhinaca kale Abwaanka uu Suldaanku qaranimada Somaliland u iibiyay ayaa markii uu Hargaysa kasoo dagay amaan kula dul kufay beesha Majeerteeniya ee dhulkaasi ka talisa.

Halkan ka dhagayso hadalka Suldaanka.

logadagnn