Go’aanka Maxkamada Dastuuriga Ah Markii Aan Akhriyey Waxaa Iiga Soo Baxday In Ay Maxkamadu Xoojisay Go’aankii Mudo Kordhinta Guurtida….Xil Cali Mareexaan

Hargeysa (GNN) Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay ula muuqato fasirka Go’aanka Maxakamada Sare ee Somaliland ay ka soo saartay Shirarkii qaran ee ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaradka ahi.

Waxayna Qoraal kooban oo uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Markii aan akhriyey go’aanka maxkamada dastuuriga ah waxaa iiga soo baxday in ay maxkamadu xoojisay go’aankii mudo kordhinta guurtida taas oo aanay malaha fahmin dadka qaar.

Waayo waxaa go’aanka ku cad in ay dalka ka jiraan golayaal qaran (xeer dejin, garsoor iyo fulin dhaqan gal ah kuwaas ayuunbaana dalka shir qaran ka qaban kara.

Hadaba ereyga golayaal dhaqangal ah ee maxkamadu adeegsatay wuxuu si cad u muujinayaa in aan sharcinimadooda muran ku jirin taas oo golaha wakiilada, guurtida iyo madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisuba ay ku fadhiyaan go’aankii mudo kordhinta guurtida. Maxkamadu waxay go’aamisay in ay golayaashu yihiin sharci dhaqan gal ah.

Hadaba xisbiyada mucaaradku ma odhankaraan golayaashu waxay ku fadhiyaan sharci daro hadii ay yidhaahdaana waa gef sharci oo ay mar labaad galeen.

Waxa kale oo maxkamadu kala xadaysay wixii heer qaran ah oo ay awoodooda iska leeyihiin golayaasha qaranka iyo wixii heer xisbi ah oo ay xisbiyadu u madaxbanaan yihiin. Xisbiyada go’aamadoodu waxay gaar u yihiin xisbiga gudihiisa laakiin qaranka laguma dabaqo.

Tusaale, dastuurada ay xisbiyadu samaystaan waxaa uu gaar u yahay xisbiga samaystay laakiin xeerka ay golayaashu soo saaraan waxaa lagu dhaqayaa qaranka oo dhan.

Sidoo kale shirarka ay xisbi ama xisbiyo qabsadaan waxay soo saari karaan wax ku sargo’an awoodaha heer xisbi ee sharcigu u jideeyey.

Sidaa darteed xisbiyada mucaaradku waa in aanay soo dhaafin xayndaabkooda sharci iyagana waa in la dhawraa xuquuqdooda. sharcigu siiyey.
Gabileynews office